Gabadhii Hargeysa ugu xirneyd Soomaalinimada oo xeer ilaalinta Somaliland kusoo oogay danbi 8 sano xabsi ah ku mudeysan karto

Hargeysa (Caasimada Online)-Xafiiska Xeer-ilaalinta ee Somaliland wuxuu dacwad ku soo oogay Naciima Axmed Ibraahim oo laga xiray 27kii January 2018 gegida diyaaradaha ee Cigaaal iyada oo u sii socotay magaalada Muqdisho.

Naciima waxay Xeer-ilaalintu ku eedaysay “hawlo qaranka ka dhan ah oo muwaadin ka sameeyo dalka debediisa (Qodobka 212 ee Xeerka Ciqaabta) iyo Ceebayn Qaran (qodobka 219 ee Xeerka Ciqaabta).

Sida ku qoran eedda, eedda hore waxaay la xidhiidhaa qoraal la sheegay in Naciima soo dhigtay barteeda Facebook ga. Xeer Ilaalintu waxaay sheegtay in qoraalkaasi “wiiqayo jirtaanka Qaranka JSL, midnimadiisa iyo wada jirkiisa.”

 Eedda labaad waxaay ku saabsan tahay “cay iyo ceebayn ay u gaysatay Qaranka JSL,” sida ku qaran xaashida eedda.

Hadii lagu helo Naciima qodobadaas, waxaay wajihi kartaa in ka badan sideed sanadood oo xadhig ah.

Maxamed Kayse Maxamuud oo la xidhay 7dii February 2018 ayaa isna weli u xidhan qoraalo la sheegay inuu Facebook ga soo dhigay. Ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha guud oo hore ula hadlay VOASomali wuxuu sheegay in loo haysto dacaayad ka dhan ah qaranka Somaliland.

 Somaliland waxaay ku dhawaaqday 18 May 1991 inay dib uga la soo noqotay Somalia madax-banaanideedii.

Dastuurka Somaliland, Mucaahadada Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaana iyo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanku waxaay damaanad qaadeen xorriyadda cabiraadda aragtida.

Xarunta Xuquqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland inay la noqoto eedaha ay ku soo oogtay Naciima islamarkaana ay xoriyeedooda u soo celis Naciima Axmed iyo Maxamed Kayse Maxamuud.

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeysa Somaliland