Khayraatka iyo masiirka Somaliland yaa matala? (Fedaralka muqdisho? ama maamulka Hargeysa)

Muqdisho (Caasimada Online)-Heshiiskii Berbera kadib waxaan dhagaystay afhayeenka Maamulka Somaliland iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo leh Fedaralka Muqdisho nama Matalo, mana hadli karo masiirkeyna!

Ma rabo in aan ka hadlo murunka siyaasadeed ee Koofur iyo Waqooyi iyo maamulada is diidan ee Xamar iyo Hargeysa oo iska dhammaan-doona, Sharcinimada Heshiiska Sharciyada dawliga ee Fedaraalka iyo Maamulka. Lkn markii ay timaado Masiirka dhalinta Somaliland ee ku dhimaneysa Tahriibka iyo Mustaqbalka dhallaanka Soo koraya yaa ka Mas’uul ah oo Matala?

Su’aalahaan ayey tahay in aan si caqli iyo miir ah isu weydiinno:

1-Somaliland ma waxaa Matala; Gudoomiyaha Aqalka sare, R/wasaare ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Maxkamada sare ahna Madaxa laanta Garsoorka ee Fedaraalka? Mise waxaa Matala Gudoomiye-yaasha Kulmiye, Ucid iyo Wadani ee Maamulka Somaliland? Kuwaas oo dhammaantood ah Walaalo isku qoos ah lkn kala jooga Xamar iyo Hargeysa?.

2-Dekeda Berbera oo lagu dhisay hanti ka dhaxeysa Somali oo dhan hadii loo fasaxay Taladeeda iyo Hantideeda Ethiopia iyo Emaraat! Maxaa loogu diidayaa dawladda Fedaralka Somaliya?

3-Tirada Wakiilada Matala Beelaha iyo Deegaanada Somaliland ee ku jira Golayaasha Fedaraalka labada Aqal iyo Wasiirada ee soo doortay M. Farmaajo, kalsoonidana siiyey RW Khayre ayaa laba jeer ka badan Wakiilada ku Matala Maamulka Hargeysa Shacabka deegaanada Somaliland! Ee maxay ku kala duwanyihiin kuna kala awood badanyihiin?

4-Matalaada Siyaasada Dalalka ay Somaalidu degto ee 4 ta ah sida; Somalia, DJibouti, Ethiopia iyo Kenya waxaa lagu Matalaa Qabiil iyo Deegaan, qof kastana xaq ayuu u leeyahay in uu ku Matalo Qabiilkiisa iyo Deegaankiisa uu u dhashay! Ee maxaa xuquuqdaas u diiday Mudanayaasha Federaslka?.

5-Hadii Ugasska Ciise ogolyahay Matalaada Xildhibaanada iyo Wasiiradiisa jooga Djibouti, Xamar, Hargeysa iyo Adiss ababa! Hadii Garaadka Laascaanood ogolyahay Mudanayaasha u jooga Xamar, Nairobi, DJibouti, Garoowe iyo Hargeysa! Hadii Suldaanada iyo Garaadyada Jigjiga iyo Gaarisa ogolyihiin Wakiilada u jooga Nairobi, Adiss, Xamar iyo Kismaayo! Hadii Cuqaasha iyo Guurtida Hargeysa ay ogolyihiin Wakiilada u jooga Hargeysa, DJibouti, Adiss iyo Nairobi maxey ku diidayaan kuwa u jooga Xamar iyo Federaalka? Oo ay u kala fadilayaan Wiilashooda iyo Gabdhahooda u taagan difaaca qadiyadooda iyo danahooda?.

6-Hadii Madaxda Fedaraalka ee Xamar joogta ay ku takri-falaan Hantida iyo Masiirka dhallinta iyo dhallaanka reer Xamar maxay ku diidayaan hadii reer Hargeysa u difaacayaan?.

7-Ma jirtaa dawlad bixinaysa Hantideeda ma guurtada ah ee dadka iyo dalkeeda Saami dhan 70% hadana sheeganeysa in la doortay ayna Matasho dadka iyo dalka?.

Ugu danbeyn waxaan ku talin lahaa: In difaaca Khayraatka iyo Dhaxalka Sooyaalka ah ee Ummada Somaliyeed aan la gelin muranka iyo is jiid-jiidka Siyaasadeed ee laga wada shaqeeyo sidii loo gaarsiin lahaa gacanta Jiilka soo koraya iyo kuwa ka danbeeya.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)