Buubaa oo si caro leh uga hor imaaday heshiiska saami qeybsiga DP World, Somaliland iyo Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Somalia Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa markii ugu horeysay ka soo horjeestay heshiiska dhexmaray Maamulka Somaliland iyo Shirkadda DP World.

Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah Dowladda Ethiopia oo saami laga siiyay maalgashiga Dekadda Berbera, waxa uuna Buubaa heshiiskaas ku sheegay mid aan suuragal aheyn.

Waxa uu Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa cadeeyay in Maamulka Somaliland ay qalad ku tahay in 30% kaliya ay Somaliland qaadato halka 70% ay la wareegtay Dowladda Imaaraadka iyo Dowladda Ethiopia.

Waxa uu carab dhabay in saamiga ugu badan ay qaaten dowlado shisheeye, halka Somaliland ay ka qaadaneyso saami aad u hooseeya.

Wuxuu Siyaasiga Buubaa farta ku goday in Somaliland laga doonaayay inay hesho Saami dhan 51% taas oo u suuragelin karta in marka la kulmayo ay go’aanka iyada yeelato.

Sidoo kale, waxa uu Buubaa sheegay xitaa in Heshiiskaas uu qaadacay Xisbiga uu ka tirsan yahay ee Waddani, waxa uuna sheegay in uu arrintan ka horyimid markii horena ay diideen,isaga oo sheegay in heshiiskii 1-aad ee 65% DP World uu markii horeba qalad ahaa.

Buubaa, waxa uu carab dhabay in ugu danbeyntii Heshiiska Somaliland, DP World iyo Ethiopia uu noqon doono mid wax kama jiraan ah.

Docda kale, Ismaaciil Buubaa ayaa sheegay in go’aanka saamigaasi lagu siiyay Ethiopia iyo Imaaraadka ay tahay mid dhaawici karta dadaalka ay Somaliland ugu jirto in ay madaxbanaani ku gaarto.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com