Gabar lagu dilay Soomaaliya oo loogu magac daray iskuul ku yaalla Canada 

Toronto (Caasimada Online) – Iskuul dugsi sare ah oo ku yaalla wadanka Canada ayaa loogu magac daray Hodan Neeleeye oo ah gabar Soomaali ah, samafale aheyd oo wakhti badan ku nooleed dalka Canada, balse weerar ka dhacay magaalada Kismaayo bishii July 2019-kii ku geeriyootay.

Weerarkaas waxaa sheegtay dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku xoogan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha, waxeyna gabadhaas ka mid noqotay boqolaal haldoor oo ku naf waayay dhibaatooyinka gudaha Soomaaliya ka jira.

Dugsi la oran jiray Vaughan Secondary School aya loogu magac daray, waana magaaladii ay ku nooleed ee Vaughan ee dhacda gobolka Ontario.

Habeenimadii talaadada aheyd ayey guddiga tacliinta qaateen kulan, waxeyna gaareen xarunta waxbarasho ee loogu magac daray Hodan Naaleeye sida lagu baahiyay warbaahinta SBC News.

Si kastaba dadka madowga ah ee heysta dhalashada Canada ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay qaaday dowladda Canada, iyadoo agaasimaha fulinta ururka ay ku mideysan yahiin African  Canadian-ka oo lagu magacaabo Shernett Martin ay soo dhaweysay tallaabadaan.

Waxeyna war qoraal ah oo kasoo baxay ku tiri: “Dhaxalkeeda waa mid sii jiri doona iyo farxadda cidda ay ahayd iyo waxa ay u istaagtay ayaa dib ugu soo laaban doona wadiiqooyinka iyo fasallada dugsigan sare waligeena ma ilaawi doonno nafhurnimadda ay Hodan samaysay. Waxaan u dabaaldageynaa in haweeney xjibaab oo madoow isla markaana muslim ah uu magaceeda ka dul-dabanayo Dugsiga magaaladeena”

Qoyska Hodan oo soo saarey war-saxaafadeed ayaa ka mahadceliyey talaabaddan, waxaana ay carabka ku adkeeyeen in ay u noqon doonto dhiiragelin ay kusii xijiyaan “dhaxalka wanaagsan oo ay ka tagtey”.

Hodan waxaa la dhintay seygeeda Fariid Jaamac Suleymaan uu ku wehliyey dadka lagu dilay weerarkii Al-Shabaab ee Hotel Cascasey isla markaana waqtigii ay dhimaneysay ahayd xaamilo ama mid uur leh.

Waxey aheyd gabar muuqaal baahiyaha kusoo gudbisa waxyaabaha wanaagsan ee Soomaaliya isla markaana safari ku tagtay meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya, iyadoo warbixino ka sameysay dadka qurbaha ku nool ee Soomaaliyeed.