Gabar SAGAAL jir ah oo ay kufsadeen 10 NIN isla markaana uur leh

Gabar sagaal sanno jir ah oo addoon u aheyd millateriga ISIS ayaa haatan uur leh ka dib markii ay kufsadeen 10 shaqsi oo ka mid ah millateriga ISIS, sida ay sheegeen dadka ka shaqeeya arrimaha gurmadka degdegga ah.

Gabadhaan ayaa ka mid aheyd 227 qof oo reer Yazidis ah oo Isbuucii la soo dhaafay laga soo daayey Kirkuk, oo dhacda Waqooyiga Iraq.

Gabadhaan ayaa sheegtay in maxbuus ahaan loo qabtay iyada iyo haween kale iyo gabdho yaryar oo ka mid ahaa dadka heysta diinta laga tirada badan yahay ee Kurdistan ah.

Waxaa la qabtay bishii June 2014kii ka hor inta aan lasoo deyn Arbacadii lasoo dhaafay. Laakiin arrinta ugu yaabka badan waxay aheyd in dadkaan laga dhexhelay gabar sagaal sanno jir ah oo uur leh.ad_165284710 ad_165294234