Gacanyarihii hoggaamiyaha Al-Shabaab oo nolosha lagu qabtay – Waa kuma Daqare?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay mid ka mid ah xubnihii gacanyaraha u ahaa hoggaamiyaha Khawaarijta Al-Shabaab Axmed Diiriye, kaas oo xiligaan ku jira gacanta hey’adaha amniga Soomaaliya.

Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa Muqdisho ku qabtay Horjoogahaas oo lagu magacaabo Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud (Muxiyadiin Daqare).

Ninkaan ayaa ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa gacanyarayaasha Horjooge guud ee kooxda Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda), sida ay shaacisay NISA.

Horjoogahaan oo si wayn loogu raadjoogay ayaa lagu qabtay gudaha magaalada Muqdisho oo si dhuumaalaysi ah uu ku soo galay.

Horjooge Muxudiin Daqare ayaa ka soo howlgalay gobollada Bay, Galgaduud, Mudug, Jubbada Dhexe iyo Shabeellada Hoose, intiisa badana wuxuu joogi jiray magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Ninkaan ayaa caan ku ahaa dhiibaateynta ehelkiisa, qaar kamid ah ganacsatada beeshiisa ayuu dabino u dhigay, una qalqaaliyey xabsiyada Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay in sanado badan ay xabsi ugu jireen kooxda.

Daqare ayaa la sheegay in 10 sano ka hor uu Khawaarijta kaga biiray magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, wuxuuna ka mid ahaa xubnaha ugu khatarta badan ee sirdoonka Soomaaliya ay sida aadka ah u doon-doonayeen.

Ugu dambeyntii maanta ayuu soo galay gacanta dowladda, isagoo Muqdisho ku joogay si dhuumaaleysi ah, wuxuu ahaa nin aad u dhibay kuwii dad u xigay, waxaana lagu wadaa in baaritaan kadib cadaaladda lasoo taago.