GALMUDUG iyo dowlad degaanka oo kala saxiixday heshiis ka dhan ah Al-Shabab

Jigjiga (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Galmudug iyo Dowlad degaanka Soomaalida ayaa kala saxiiday heshiis ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo dhawaanahaan waday duulaan ka dhan ah xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya,.

Heshiiskaan oo ay kala saxiixdeen Mas’uuliyiinta dhinaca ammaanka ee labada dhinac ayaa ujeedkiisa ugu weyn yahay xoojinta iskaashiga dhanka nabadgelyada xadka xilliDowlad Deegaanka

Beddel Xiis oo ah la taliyaha ammaanka ee Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in iyaga Galmudug ay ku heshiiyeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kulankan ayaa imaanaya xilli uu is-badal xooggan ku yimid ammaanka degaannada ku teedsan xudduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in todobaadkan ay mas’uuliyiintu qorsheeyeen in meel ka baxsan dhulka Itoobiya laga sameeyo “aag ammaan ah” si looga hortago weerarradaas “maxaa yeelay ma sugi karno cadawgu ilaa uu halkan noogu yimaad”, ayuu yiri muuqaal la soo dhigay Twitter-ka

Wasaaradda warfaafinta dalka Itoobiya oo Jimhihii warmurtiyeedkeeda toddobaadlaha soo saartay waxay sheegtay ku dhawaad 500 oo ka mid ah dagaallamayaasha Al-Shabaab iney toddobaadki hore xadka Itoobiya soo tallaabeen.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika (Africom), General Steven Townsend, wuxuu sheegay iney u muuqato ciidamada Itoobiya iney jabiyeen isla-markaana ay xakameeyeen duullaanka Al-Shabaab uu ku soo qaaday, ayna dhici karto Al-Shabaab weerarrada noocan ah iney sii wadi doonaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa muddo ku siman 15 sano dagaal hubeysan kula jira dowladda federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Howlgalka ee Midowga Afrika.