Galmudug iyo Ahlu-Snuna oo la soo baxay gaadiidkooda dagaal

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanka Mareer-guur ayaa sheegaya in halkaasi ay ciidamada Ahlusuna kawadaan dhaqdhaqaaq ciidan.

Ciidamada Ahlusuna ee dhaqdhaqaaqa wada ayaa ku hubeysan gaadiid dagaal iyo Hub farabadan oo noocyo kala duwan ka kooban, sida ay kusoo waramayaan dadka deegaanka.

Ciidamadaani ayaa difaac ka galay ciidamo kale oo la sheegay inay ka tirsan yihiin maamulka Galmudug kuwaasi oo saacadihii ugu danbeeyay lasoo dhoobay meel ku dhow deegaanka Mareer-guur.

Ciidamada Ahlusuna ayaa halkaasi ka sameystay dhufeysyo dagaal waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi uu ka bilowdo dagaal xoogan oo khasaaro kala duwan geysta.

Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo arrintaasi wax laga weydiiyay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin dheeraad ah ka bixiyaan.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda ka bilaabay barakac waxa ayna sheegen inay ka cabsi qabaan in lagu dul dagaalamo.

Dhanka kale, ciidamada Galmudug ayaa iyaguna halkaasi ka sameystay dhufeysyo waxaana jira warar sheegaya inay u diyaar garoobayaan dagaal ka dhan ah Ahlusuna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com