M/Afrika oo shaaciyey waqtiga Amisom laga saarayo Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa maanta si rasmi ah shaaciyay in howlgalka raacsan ee ciidamadooda Soomaaliya ku sugan ee marka lasoo gaabiyo loo yaqan (AMISOM) la soo afjari doono marka la gaaro bisha Oktoobar ee Sanadka 2018.

Sida uu sheegay Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika xilliga u haray AMISOM oo ah 2 sano ayaa ciidamo la dhisayaa ciidamada Soomaaliya oo la wareegi doona ammaanka goobaha ay AMISOM gacanta ku heyso.

Dib u eegis lagu sameeyay howlgalka AMISOM ayaa la qorsheeyay in qorshe Soomaaliya looga saarayo ciidamada AMISOM iyadoo qorshahaasina lagu asixiyay kulankii 608-aad ee dhowaan ka dhacay Magaalada Addis Ababa.

Warbixinta Golaja Ammaanka Midowga Afrika ayaa sheegeysa in la fulinayo qorshaha CONOPS oo ah xoojinta iyo dardar gelinta howlgallada Ciidamada AMISOM iyo dowladda Soomaaliya, waxaana la soo afjarayaa howshii AMISOM ee Soomaaliya oo bilaabatay 2007.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com