Puntland oo digniin culus kasoo saartay colaada ka taagan Sool

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmihii tagay uu dagaal culus ka dhacay deegaano hoostaga gobolka Sool, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay maamulka Puntland.

C/Xakiin C/laahi Cumar oo ah Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland, ayaa sheegay in dagaalkaasi uu yahay mid geystay khasaaro xoogan waxa uuna ku baaqay in shuruud la’aan la hakiyo dagaalka.

Madaxweyne ku-xigeenka, waxa uu sheegay in Puntland aysan u saamixi doonin in dagaalka socda ay indhaha ka daawadaan waxa uuna wacad ku maray inay qaadi doonaan talaabo lidi ku ah dhinacyada uu dagaalka u dhexeeyo.

Waxa uu ku baaqay in la hakiyo dagaalka islamarkaana colaada lagu soo afmeero is fahan iyo in xal waara laga gaaro Dagaalka socda.

Shacabka Puntland ayuu ugu baaqay in ay ka qayb qaataan ka shaqaynta nabadgalyadda iyo hormarka goboladda Puntland.

Digniinta iyo caga jugleynta Puntland ayaa kusoo aadeysa xili dhawaan deegaano hoostaga gobolka Sool ay ku dagaalameen laba beel.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com