Xog: Siyaasiyiin dhaqaale culus ku jahwareeriyay ODAYAASHA

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Odayaasha dhaqanka uu jahwareer ka heysto dhanka Siyaasiyiinta beelahooda ee doonaaya inay kasoo dhexmuuqdaan Baarlamaanka cusub.

Jawareerka ugu weyn ayaa ka taagan kadib markii Siyaasiyiinta xil doonka ah ay Odayaasha farqaha ugu shubeen dhaqaale kala duwan taasi oo Odayaasha aan u suuragalin inay kala xushaan cida iyaga ku matali laheyd Baarlamaanka cusub.

Siyaasiyiinta xil doonka ah ayaa Odayaasha ku falisaaya dhaqaale aad u xoogan waxa ayna xogtu sheegeysaa in Odayaasha qaar ay qaadanayaan 10,000$, halka qaarna ay ka qaadanayaan 5,000$, sidoo kale waxaa lasoo sheegayaa in madaxweynayaasha maamulada ay Xildhibaanada cusub ka qaadanayaan min 10,000$.

Siyaasiga xil doonka ah ee aan dhaqaalahaasi bixin ayaa waxaa khalkhal galaaya xilkiisa, waxa ayna xulista u muuqataa mid is afgarasho ah oo aan xiriir la laheyn wadaniyad iyo howlkarnimo.

Sidoo kale, Odayaasha dhaqanka ayaa laga sugayaa inay soo xulaan ergooyinka, waxaana xildhibaan kasta la doonayaa inuu codad aqlabiyad ka helo ergooyinka uu soo xulay oday dhaqameedka beeshaasi ka sokow bixinta dhaqaalaha.

Madaxda Madasha Qaran ee Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in ergooyin tiradoodu dhan tahya 14, 025 ay soo doortaan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo ka kooban 275 xubnood.

Lama oga sida uu xaalki noqon doona waxaana iminka xiliga doorashada ka harsan wakhti aad u yar oo aan saamixi doonin in lagu sameeyo howlaha u harsan dowlada xiligeeda sii dhamaanaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com