Xog: Siilaanyo oo nafsadiisa uga cabsi qaba sirdoonka Somaliland

Hargesya (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa cabsi lixaad leh ay kasoo foodsaartay dhanka Hay’adda Sirdoonka maamulka Somaliland kadib markii uu walaac gaar ah ka muujiyay xogaha qarsoon oo ay la wadaagan dowlada Ethiopia.

Xogaha halista ah oo ay wadaagan Sirdoonka Somaliland iyo Ethiopia ayaan 45% la ogeysiin Madaxweynaha maamulka taasi oo khalkhal galisay amniga guud ee uu iminka ku naaloonaayo Axmed Siilaanyo.

Xogaha ay Sirdoonka Somaliland sida tooska ah ula wadaagan Ethiopia ayaa waxaa kamid ah dhacdooyinka ka taagan madaxtooyada Maamulka, Khilaafyada ka dhex aloolsan axsaabta iyo hoggaanka talada haya iyo xogo kale oo aan la xiriirin siyaasada.

Axmed Siilaanyo oo taasi ka duulaaya ayaa isugu yeeray Saraakiisha ugu sareysa Hay’adda Sirdoonka isaga oo kala hadlay xakameynta sirta iyo in dhammaan xogaha u gudbaaya dhanka Ethiopia lasoo mariyo si uu ula socdo wixii baxaaya.

Saraakiisha ayuu u sheegay inaanu aqbali doonin in xogo aan isaga lasoo marin ay u gudubto dowlada Ethiopia wuxuuna dalbaday in loo keeno nuqulo ka turjumaaya xogaha bilowga sanadka aan ku jirno ilaa iyo iminka loo gudbiyay dowlada Ethiopia.

Sidoo kale, Axmed Siilaanyo oo falkaasi dawo u sameynaaya ayaa waxa uu dalacsiiyay In ka badan 300 oo askari oo ka tirsan hay’adaasi si looga saaro mooraal jabka iminka heysta.

Geesta kale, dhammaan madaxda maamulka Somaliland ayaa si toos ah ugu xiran dowlada Ethiopia waxaana dhacda in mas’uuliyiinta qaar ay sirta maamulka u iibgeeyan dhanka Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com