“Xasiloonida Xamar waxa ay ku jirtaa in lala xaajoodo S/LAND”

Hargeysa (Caasimada Online) – Siyaasi Ismaaciil Max’uud Hurre Buubaa oo horay usoo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, ayaa markii ugu horeysay Fariin u diray Danjiraha dowlada Mareykanka dhawaan usoo magacawday Somalia Stephen Schwartz.

Buubaa ayaa sheegay in Danjire Stephen Schwartz looga baahan yahay in marka hore uu dhageysto aragtida kala duwan oo ay qabaan Madaxda maamulka Somaliland iyo Siyaasiyiintooda waxa uuna ku taliyay inaanu dhexda ka fadhiisan fashil iyo ceeb wax u dhibi karta Siyaasada la doonaayo inuu ku hago Somalia.

Buubaa waxa uu sheegay in khilaafka ka dhextaagan Somalia iyo Somaliland uu yahay mid ku saleysan jiritaanka dabiiciga ah, waxa uuna tilmaamay in khilaafkaasi uu meesha ka bixi karo goorta uu Danjire Stephen Schwartz uu dhagaha u raariciyo dhinacyada cabashada kala qaba islamarkaana uu ka fogaado in hal dhinac uu dhageysto, sida uu qoray Wargeyska Geeska Africa.

Nuqul kamid ah hadalka Siyaasiga ayaa waxaa kamid ahaa “Danjiraha cusub ee Maraykanka u fadhiya Somalia waa in uu ogaado in Somalia iyo Somaliland ay isku hayaan sida uu noqonayo jiritaankoodii dabiiciga ah ee siyaasada.”

Buubaa waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa ”Mareykanku waan u sheegay in degnaanshiyaha iyo amni kusoo dabaalida Somalia ay ku xeran tahay in xal laga gaaro khilaafka ka dhexeeya Somalia iyo Somaliland” sidaa waxaa qoray Wargeyska Geeska Africa.

Buubaa waxa uu sidoo kale yiri “Mareykanka waxaa looga baahan yahay in arrinta Somalia uu u maro dhabaha diblumaasiyada ma qabo in loo maro dhabo aan xasilooni laheyn”

Qoraalka Buubaa oo kusoo baxay Wargeyska Geeska Africa ayaa waxaa lagu yiri “Mareykanku diblumaasiyad xikmadeysan oo ay u madaxbanaantaha Soomaalida ha isugu keeno si loo taabto boogta”.

Dhinaca kale, Mr Buubaa waxa uu sheegay in Somalia aysan heli doonin xal inta uu khilaaf ka dhextaagan yahay Somalia iyo Somaliland waxa uuna faramuuqay in loo baahan yahay jawi lagu gorfeeyo arrimaha keenay khilaafka taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com