Wararkii ugu danbeeyay xiisada GALMUDUG iyo AHLU-SUNNA

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Degaanka Cara-tuurka oo u dhexeeya Godinlabe iyo Mareergur ayaa sheegaya in halkaasi ay isku uruursanayaan ciidamo ka tirsan maamulka Ahlusunna, halka qeybo kamid ah deegaankaasi ay ku sugan yihiin ciidamo kale oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Wararku waxa ay sheegayaan in deegaanadaasi ay isku horfadhiyaan labada ciidan islamarkaana saacadaha soo socda laga cabsi qabo in halkaasi uu ka dhaco dagaal labada dhinac ah.

Ciidamada Galmudug ee deegaankaasi gaaray ayaa waxaa goordhow laga soo daabulay magaalada Cadaado waxa ayna ku biireen ciidamo kale oo furunta dagaalka ku sugan.

Dadka deegaanka ayaa Saakay ilaa iyo hadda halkaasi kawada barakac xoogan waxa ayna u kala jiheesteen deegaanada kala dhaca labada maamul.

Barakaca ugu xoogan ayaa goordhow ka bilowday Degaanka Cara-tuurka, waxaana suuragal ah in halkaasi uu ka qarxo dagaal cusub.

Dadka deegaanka waxa ay kusoo waramayaan in wadada isku xirta Magaalada Cadaado iyo Caabudwaaq ay jareen ciidamada Ahlusunna waxaana halkaasi laga dareemayaa xiisad dagaal.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo kala baxay labada dhinac iyo dhanka dowlada, waxaana suuragal ah in dagaalka ay ku hormaraan ciidamada Galmudug oo la sheegay inay yihiin kuwo dhiifoon.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com