Sawirro: Sidii magaalada Dallas loogu toogtay saraakiisha Boolis

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 5 sargaal oo boolis ah ayaa waxaa lagu toogtay dibadbax looga soo horjeeday dhibaatada booliska oo ka dhacay magaalada Dallas, ee gobolka Texas ee waddanka Mareykanka.

Dilka Saraakiisha ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen rag shufto ah kuwaasi oo si toos ah u beegsaday Saraakiisha.

Booliska Dallas waxay soo bandhigeen muuqaalka nin madow ah oo ku hubeysan qori nooca darandooriga u dhaca, iyadoo lala xiriirinayo inuu ka tirsanaa kuwii weerarka soo qaaday.

Dibadbaxyo looga soo horjeedo dilalka toogashada ah ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacaayay magaalooyinka Minnesota iyo Louisiana ayay boolisku ku dileen laba nin oo madow ah oo lagu qabtay dhowr magaalo oo Mareykanka ku yaal.

Dowlada Mareykanka ayaa dilalka kadib sheegtay in uu eex ka jiro hannaanka garsoorka ciqaabta taasi oo ay ku sheegtay mid xididada loogu siibaayo sharciga garsoorka.
1

2

3

4

5,

6

7,

8

9

10

11