Magacyada iyo sawirrada ragii weeraray masjidka Nebiga NNKH

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa goordhow soo bandhigtay magaca iyo Sawirka ninkii isku miidaamiyay Masjidka Nabi Maxamed NNKH ee ku yaalla magaalada Madiina Al-munawara.

Magaca iyo Sawirka ninkaasi ayaa waxaa faafiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga oo sheegtay in la helay dhammaan macluumaadka weerarkaasi iyo cidii ka danbeysay.

Wasaaradu waxa ay sheegtay in ruuxa ka danbeeyay weerarkaasi dhacay Isniintii hore lagu magacaabi jiray Nayer Musalam Xamad Al-Nijeydi Al-bluwi.

Qoraal kooban oo lagu baahiyay Wakaalada Wararka Sacuudiga ee SPA, ayaa waxaa lagu sheegay in Ismiidaamiyaha uu ahaa ruux si aad ah u isticmaala waxyaabaha daroogada ah, islamarkaana uusan laheyn taariikh intaa kasii badan.

Wargeyska arabnews ee kasoo baxa dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa baahiyay in Baarayaasha Sacuudiga ay heleen magacyada 3-dii ruux ee isku qarxisay meel ku dhow Masjid ku yaala Suuqa Mayas ee magaalladda Qatiif ee Bariga Sacuudiga.

Wargeyska arabnews oo xiganaaya mas’uuliyiin ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxa uu magacyada Seddexdaasi ruux ee isku qarxisay meel ku dhow Suuqa Mayas ku kala sheegay:

Abdulkariim Ibrahim Muhammad Al-Hasani, oo 20-jir ah, Abdulrahman Saleh Muhammad Al-Imir oo 23-jir ahaa iyo Ibrahim Saleh Muhammad Al-Imir oo 20-jir ahaa.

Falkaani ayey Baarayaashu sheegen in loo hayo ku dhawaad 20 Eedeysane, oo ay ku jireen 12 qof oo u dhalatay Pakistan iyo 7 Sacuudiyaan ah.

ISHA arabnews

NAFTOOD HALIGAYAASHII FULIYAY WEERARKA
terrorists2

SAWIRADA SARAAKIISHII KU DHINTAY WEERARKA

martyers2