Idiris Cumar Xasan oo ah darawalka xildhibaan Xerow oo Muqdisho lagu dhaawacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Idiris Cumar Xasan oo ah darawlka xildhibaan Xerow ayaa  Muqdisho lagu dhaawacay kadib weerar ay ku qaadeen koox hubeysan.

Darawalka ayaa rasaasta la huwiyey isagoo ku sii jiida qaad uu u doonaayey ciidama  xildhibaanka uu u shaqeynaayey  xiligaasi oo ay ku beegneyda marka laga soo rawaxayey shaqada.

Dhaawac xoogan ayaa waxa uu ka soo gaarey lugta isagoo isla durbadiiba loola cararey dhaqtarka Keydsaney  oo halkaasi lagu dabiibayo, mar aan ku booqaney dhaqtarka ayaa waxaa inagoo waramey xaaladiisa caafimaad dhaqtar Cabdi  Sheekh oo ah agaasimaha isbitaalka Keydsaney , dhaqtarka ayaa sheegey in lugta ay ku jirto jabniin islamarkaana ay kabeen mudo koobana uu kaga bixi doono dhaqtarka.

Xildhibaan Xerow Cabdulle oo saxaafada kula hadlaayey xafiiska ayaa sheegey iney mar waliba filayaan dhacdo noocani oo kale ah isagoo ku tilmaamey arintaasi ineysan aheyn mid ugub ah oo qof walba dowlada u shaqeeyana ay sugeyso laga soo bilaabo kuwa xafiiska hoose ka shaqeeya ilaa madaxda ugu sareysa dowlada  taasi oo uu sheegey iney Al-shabaab horey balan u qaadeen iney bartimaadsanayaan.

Al-shabaab oo ah urur diimeed iskooda isku magaacbey balse ah urur argagixiso kaasoo gumaad ba’an ku haayo shacabka iyo shaqaalaha dowlada, wax ay aaminsan yihiin cid walba oo ka soo horjeesata mabd’ooda iney yihiin kuwa diinta ka baxay isla markaana ay ku xukuman yihiin dil doogasho. Ururkaasi ayaa sidoo kale lacag baad ah oo ay ku tilmaamaan canshuur ka qaada shacabka masaakiinta ah waxayna ku bedeshaan lacagahasi waxyabaha ay dadka ku xasuuqayaan sida rasaasta iwm. 

Ma ahan markii ugu horeysey ee Al-shabaab ay toogtaan dadka u shaqeeya dowlada balse dhacadaadan rasaaseynta ee lagu dhaawacay Idiris Cumar Xasan ayaysan  aheyn midii ugu horeysey ee lagu weerearo balse dhowr jeer oo isku dilkaasi ah uu ka bad baadey 

 Waxayna sabab uga dhigeen inuu  joojiyo shaqada dowlada uu haayo islamarkaana uu ku soo biiro   si u soo gudbiyo xogaha masuuliyinta dowlada taasoo idirisna uu ka biyo diidey.