Muqdisho: Nabadoon Qarax loogu xiray gaarigiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxaani ayaa maanta ka dhacay degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir kadib markii lagu xiray gaari uu watay Nabadoon Maxamed Xasan Qalinle oo ka mid ahaa Odayaashii soo xulay Baarlamaanka.

Ujeedka Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagu khaarijin rabay Nabadoon Maxamed Xasan Qalinle hayeeshee uu ka bedbaaday dabintii loo maleegay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in xiliga uu Qarxaayay gaariga uusan saarneyn Nabadoonka waxaana sidaa ku qarxay keli gaariga.

Bishaar Bashiir Geedi oo ah Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, ayaa sheegay inaanu Qaraxa geysan wax khasaaro ah, waxa uuna xaqiijiyay in Nabadoonka uu badqabo.

Bishaar waxa uu sheegay inuu socdo baaritaano lagu hayo shaqsiyaadkii ugu danbeeyay ee uu Nabadoonka la kulmay saacadihii ugu danbeeyay Qaraxa kadib waxa uuna ballanqaaday in cadaalada ay horkeeni doonaan dadkii falkaasi ka danbeeyay.

Geesta kale, Nabadoon Maxamed Xasan Qalinle, ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo Qarax loo maleego marka la eego Nabadoonada kale ee ku howlan soo xulista Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com