Xildhibaan kashifay sir ku aadan arrimaha doorashada 2016-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo kamid ah mudanayaasha BFS, ayaa si adag uga hadlay qorshaha doorashada 2016-ka ee Somalia iyo qaabka ay dowlada Somalia u dajisay qorshahaasi.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo u waramaayay Idaacada Goobjoog ee magaalada Muqdisho, ayaa shaki galiyay in doorashada ay dhici karto xiligeeda waxa uuna carab dhabay inaanu is qaadankarin xiliga ka harsan doorashada iyo howlaha xiligaani horyaal dowlada.

Xildhibaan Shariif, waxa uu sheegay in Howlaha dowlada ay ku socdaan si gaabis ah, sidaa aawgeedna aysan suuragali karin in doorashada ay dhacdo wakhtigeeda.

Waxa uu sheegay in shaxda doorashada ay aheyn in Guddiga la dhisay ay isla gartaan, hayeeshee aanu muuqan wixii leysla garan lahaa.

Waxa uu sidoo kale, Xildhibaan Shariif sheegay inay u muuqaneyso in loo baahnaan doono in wakhti dheeri ah lasiiyo dowlada, isaga oo sabab ka dhigay gaabiska ka taagan dhanka dowlada.

“Waxaa ii muuqaneysa in loo baahnaan doono wakhti dheeri ah oo dhan 3 bil, waxaan arkaa qaabka ay dowladu u guurguuraneyso iyo howlaha harsan inta ay la’eg yihiin”

“Shaki aad u weyn ayaa iiga jira Jadwalka Guddiga doorashada in sidiisa uu u fulaayo waayo waxaa dhici karta in ilaa bisha December iney gaaran”.

Haddalka Xildhibaan Shariif ayaa kusoo beegmaaya iyadoo dhawaan uu shaki kan lamid ah galay wakiilada Beesha Caalamka ee jooga Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com