Xog: Qoondadii haweenka ee BF oo si farsameysan loo dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan ay madaxda Sare dalka ka dhawaajiyeen in Haweenka dalka ay kaalin fiican ka heli doonaan Baarlamaanka imaan doona ayaa waxaa arrintaasi si adag uga hadlay Xildhibaanad Maryan Cariif oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Somalia ee hadda jira.

Xildhibaanad Maryan Cariif, ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay in ilaa iyo xiligaani aan la xaqiijin qoondada ay Haweenka ku leeyihiin Baarlamaanka cusub ee uu dalka yeelan doono waxa ayna ku baaqday in xili hore la cadeeyo tirada Haweenka loo qoondeeyay.

Xildhibaanad Maryan Cariif, waxa ay sheegtay in sanadihii ugu danbeeyay aysan Haweenka Soomaaliyeed helin xuquuqdii ay ku lahaayen Baarlamaanada dalka soo maray iyo Guud ahaan Golayaasha Dowlada, iminkana la joogo wakhtigii ay ka dhex muuqan lahaayen dowlada hadda jirta.

Xildhibaanad Maryan Cariif oo u warameysay Idaacada VOA-da ayaa waxa ay sheegtay in muhiim ay tahay in la helo misna la cadeeyo qoondada ay Haweenka ku leeyihiin Baarlamaanka Cusub ee Somalia.

Maryan Cariif, waxa ay tusaale usoo qaadatay in Madaxda dowlada ay horay u ballanqaaden in qoondada Haweenka ee siyaasada Somalia ay tahay 30% balse aysan wali muuqan ifafaalo muujinaaya ballanqaadkaasi.

Waxa ay sheegtay in Ballanqaadkaasi uu yahay kaliya mid aan dhaafsiisaneyn afka loona baahan yahay in la helo ficil muujinaayay ka dhabeynta ballanqaadkaasi.

Waxa ay sidoo kale Maryan Cariif xustay in Haweenku ay udub dhexaad u yihiin Nabadda iyo Horumarka muhiimna ay u yihiin dhismaha dowladnimada, sidaa aawgeedna loo baahan yahay in la cadeeyo kaalinta ay Haweenka ku dhexyeelan doonaan Baarlamaanka iminka imaan doona.

Geesta kale, waxa ay Xildhibaanad Maryan Cariif ka digtay in dowlada iminka jirta ay xilka ka degto iyada oo aan meel saarin qoondada Haweenka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com