Galmudug iyo HirShabeelle oo ku gacan seeray go’aankii kasoo baxay DF Somalia

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa jawaab ka bixiyay go’aankii kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ee ku saleysan nidaamka doorashooyinka maamul goboleedyada.

Maamulka Galmudug ayaa shaaciyay inaysan aqbalsaneyn go’aanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug Burhaan Maxamed Samatar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha aan lagala tashan islamarkaana aysan aqbalsaneyn.

Waxa uu soo hadal qaaday hadalkii xalay kasoo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal ee ahaa in doorashada Madaxweynaha Galmudug ay dhici doontaa Afarta Bisha July ee Sanadkan.

Waxaana uu sheegay in Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya ay meesha ka saartay awoodii doorashooyinka ku lahaayeen Dowlad goboleedyada, taasina aysan suurta gal aheyn.

Dhinaca kale maamulka Hirshabeelle ayaa soo saaray qoraal ay sheegeen inay ka walaacsan yihiin go’aanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimada@live.com