Itoobiya oo Somalia ka tirtay khariidadda kuna darsatay dalkeeda (Arag Caddeynta)

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Website-ka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa lasoo dhigay map ama khariidad la-yaba leh oo si cad ugu xadgudubtay madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Khariidaddan oo ah tan qaaradda Afrika, ayaa gebi ahaanba laga tiray Soomaaliya, oo sida muuqata lagu daray Itoobiya, laguna muujiyey khariidadda in Soomaaliya ay ka tirsan tahay Itoobiya.

Waxaa sidoo kale yaab leh, in Somaliland laga reebay dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya ay ku darsatay sida ka muuqata khariidadda, islamarkaana Somaliland laga dhigay dal madax banaan oo ka tirsan Afrika.

Lama yaqaan sababta Itoobiya ay sidan u sameysay iyo ujeedada laga leeyahay, balse waxaa cad in hamigii Itoobiya ee in mar un ay baabi’iso kuna darsato Soomaaliya uu banaanka yimid, ha noqoto ku talo-gal mise sir fakatay.

Arrintan ayaa imanaysa ayada oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si aad ah isugu dhiibay dowladda Itoobiya Abiy Ahmed, isaga oo rumeysan in isbahaysi uu la sameysto ay muhiim u tahay dowladnimada Soomaaliya.

Halkan ka eeg bogga wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya. Riix Halkan. Sidoo kale eeg sawirka hoose ee aan ka qaadnay, si haddii laga saaro khariidadda aan keyd uga hayno.