Galmudug oo ka hor-timid sharciga doorashooyinka dalka

Dhuusomareb (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay maamulka Galmudug ayaa waxay ku qaadaceen qaabkii loo ansixiyay sharciga doorashooyinka dalka oo shalay ay ansixiyeen golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Dastuurka Galmudug Abshir Cabdi Shiikhow ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in meelaha xasaasiga ah iyo danta dalka loo baahan yahay in laga wada fariisto, islamarkaana laga wada tashado.

Wuxuu sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay in dowladda Soomaaliya ay lasoo baxday inay go’aano iska qaadato iyada oo wadatashi aysan la yeelan maamul goboleedyada, islamarkaana la baal maray dastuurka dalka.

Waxa uu sheegay in maalmihii dambe ay jireen wadatashi la’aan dhinaca dowladda ah,waxana uu sheegay in kastoo Baarlamanka aan weli sharcigaas la horgeyn hadana Maamulka Galmudug uu qabo in ansixinta sharcigaas lagu deg degay.

Maamul goboleedyada ayaa sheegaya in dastuurka dalka uu cadeynayo in maamul goboleedyada ay xaq u leeyihiin in lagala tashado waxyaabaha qaar, balse arinta doorashooyin ay go’aan iska gaartay dowladda iyadoo aysan la tashan.

Waxaa arintaan ay u muuqataa inay sii xumeyn karto xiriirka u dhaxeeya dowladda Somaaliya iyo dowlad goboleedyada oo muddooyinkii ugu dambeeyay arimo badan isku hayay.

Sharciga doorashooyinka dalka ee shalay ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa horay waxaa u soo ansixiyey Baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo uu saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya, balse wax ka bedel lagu sameeyey, iyada oo la filayo in dhawaan la horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimada@live.com