C/raxman Ciro oo go’aankii baarlamanka bogaadiyey

Hargeysa (Caasimada Online) ― Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Ciro ayaa waxa uu ka hadlay kulan ay shalay si wada-jir ah u yeeshen labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland.
Gudoomiye Ciro ayaa bogaadiyey xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka oo saaka iskugu yimid fadhi wada-jir ah isla markaana diiday xaaladii deg-deg aheyd ee uu soo rogay Madaxweyne Muuse Biixi.
Ciro oo warbaahinta kula hadlayey gudaha Magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu yiri “Waxaan saxaafada u horyimid inaan bogaadiyo baarlamaanka Somaliland, Labadiisa aqalba Golaha guurtida iyo golaha wakiilada oo qaatay talaabo taariikhiya, talaabadaas oo ah inay diideen inay ansixiyaan xukunkii Militeri ama xukunkii deg-dega ahaa ee lagu soo rogayey Gobolka Sanaag”.
Wuxuuna intaas kusii daray “Xukunkaa deg-degii kuma koobnaaden Gobolka Sanaag waxa ku xigi lahaa gobolada kale, Awdal baa ku xigi laheyd, markaa inaad shacbiga la dareen noqoteen waan idinku bogaadinayaa, waxaad u hiilisen guud ahaanba dadkii ku noola gobolka Sanaag, degmooyinkiisa lagu soo rogayey xukunka Militeri ee kala ahaa Gar-Adag, Ceel-Afweyn iyo Ceerigaabo”.
Ugu dambeyntiina, Gudoomiye Ciro ayaa waxa uu baaqyo kala duwan u jeediyey Xukuumada Muuse Biixi, Shacabka iyo Ciidamada Somaliland, wuxuuna yiri:
“Waxaan xukuumada uga digeynaa inay isku deydo xukun Militeri o aan goleyaashu xalaaleyn oo aan sharci aheyn inay shacbiga ku fuliso, waxa kale oo dhamaan shacbiga reer somaliland  gobol kasta oo ay jooganba ugu baaqeyna inay ilaashadan xasiloonidooda iyo nabad-galyadooda. Ciidamada Somaliland waxan ugu baaqeyna inay sharciga u hogaansamaan, inay shacbigooga u tudhaan iyo inay ka fogaadan talaabo kasta xasilooni daro iyo amni daro ka dhalin karta dalka”.
Si kastaba, Hadalkan Gudoomiye Ciro ayaa kusoo beegmaya xili u fadhigii labada gole ee barlamaanka Somaliland uu ka dhashay buuq, taasi oo sababtay in aanu Gudoomiyaha golaha wakiiladu ku dhawaaqin natiijada rasmiga ah ee codeyntaas, kaasi oo fadhigaasi kusoo dhamaaday natiijo la’aan iyada oo loo balamay kulan kale maalinta Sabtida.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com