Puntland oo si weyn uga hor-timid sharciga doorashooyinka ee ay ansixiyeen golaha wasiirada DF

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si weyn uga hor-yimid xeerka doorashooyinka dalka oo ay maanta meel-mariyeen golaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay, wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland, ayaa lagu sheegay in Puntland ay si cad uga horjeeddo, ansixinta xeerka doorashooyinka dalka  ay meel-mariyeen golaha xukuumadda Soomaaliya, maadaama sida ay Puntland sheegtay aan laga heshiin.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka waxaa lagu caddeeyay in Puntland ka soo horjeeddo , diyaarinta iyo wax ka beddelka xeerka batroolka dalka oo xukuumadda Federaalka wax ka beddel ku samaysay iyadoo aan laga wada-tashan , sida ay Puntland sheegtay.

Dowladda Puntland ayaa uga digtay xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay isku gaar yeesho, talada iyo go’aannada masiiriga ah ee dalka, sida  geeddi-socodka iyo dhammaystirka Dastuurka, hannaanka xasilinta iyo amniga dalka, qeybsiga awoodaha& khayraadka iyo habka doorashooyinka.

Puntland waxay sheegtay in haddii aan qodobadaasi la tix-gelin ay ka dhalan doonto, kala fogaansho iyo khilaaf keeni kara dib u dhac ku yimaada dhammaystirka geeddi-socodka dhismaha dowlad Federaal ah oo la isla ogolyahay.

Halkan ka akhriso war-saxaafadeedka