Murugadii aan marqaatiga ka ahaa! (Arrin dhex martay Farmaajo iyo hooyooyin)

Maanta aniga iyo wiil aan shaqo wadaag nahay (Camera Man) oo hor mareyna illinka hore ee Villa Somalia, kana nimid jihada Zayidka, ayaa la kulannay dhacdo maankenna gali weysay, aadna noo xanuujisay.

Waxey aheyd xilli aan shaqo ka nimid, waxaan saarneen gaari, ciidanka ayaa nagu wargeliyay in jidku xiranyahay mar aan foodda kusii heyno Zayidka, gaariga inta iska fasaxnay ayaan lugaheenna isticmaalnay si aan u gaarno goobteenna shaqada.

Xilligu waxuu ahaa mid kulul oo saacadda ayaa kusii siqeysay 12:30Pm (Duhurnimo), mar aan kusii dhownahay illinka hore ee Villa Somalia waxay dhagaheenna mar qura maqleen sawaxanka Hooyooyin bannaan baxaya, goobta waxaa buuxay ciidan, markaa ku dhawaannay dibad bixii ayey hooyooyinka naga codsadeen in aan muqaal ka duubno, waxey noo sheegeen in ay yihiin Hooyooyin ay ka geeriyoodeen ciidamada xoogga oo heysta ilmo agoon ah muddo lix bil ahna aan mushaar qaadan.

Aad ayaan u calool xumaaday, qaarkood illin ayaa kusoo istaageysay marka ay nala hadlayeen, qaar ayaa dhabarka ku sitay ilmo yar yar, cad-ceedda ayaana aheyd mid aad u kulul.

Ayagoo warkii noo wado ayaa meesha waxaa soo maray madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, Hooyooyinkii ayaa isku gadaamay gaarigii madaxweynaha, ciidankii dhoobnaa goobta ayaa kusoo yaacay oo xoog uga hor-wareejiyay, sidaas ayuu ku gudbay waddadii.

Anigoo aad ula fajacsan dhibka ay sheeganayaan hooyooyinkaan, qudheydana illin igusoo istaagtay ayey indhaheygu sii qabanayeen gawaaridii galbineysay madaxweyne Farmaajo oo sii mirqaya.

Waxa kaliya aan u awoodnay waxey aheyd in Cameradda aan wadanay aan kaga duubno muuqaal muujinaya dareenkooda, codkeygana ku saacido, balse taa waxaa ka biya diiday ciidankii goobta joogay, waxaana ugu dambeyn naga qancay hooyooyinkii oo indhahooda ku arkay in aanan u meel mari karin codsigooda.

Markaan tagay goobteydii shaqada salkana dhulka la helay ayaa mar qura ilmeeyay, anigoo soo xasuusanayay dhibka heystay hooyooyinkaas xambaarsanaa ilmaha agoonta ah, qofka kaliya ee wax u qaban karay ay masuuliyadda ka saarneedna uu hortooda ku dhaqaaqay.

Waxaan go’aansaday in aan qoraal ku cabbiro dareenka goobta, sida ay wax u dhaceen, waxey indhaheygu qabteen iyo sida aan u caawin waayay hooyooyinkaas.

Mudane madaxweyne masuuliyadda aad qaadday Aakhiro ayaa wax lagaa weydiin doonaa, falkaan aan maanta arkayna ma ahan mid dhiirrigelinaya ciidanka xoogga, agoonta isheydu qabaneysay ee qorraxda dhoobneedna cuqubadooda ilaaheey Soomaali uma qabto.

W/Q: Farxiyo Muraad