GALMUDUG oo qabaneysa doorashada afar kursi

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto doorashada afar kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee ay deegaanka doorashadooda tahay degmada Dhuusamareeb.

Afarta kursi ee la qaban doono doorashadooda ayaa kala ah HOP#064, HOP096, HOP248 iyo HOP#089 oo dhammaan deegaan doorashadooda ay tahay caasimada Galmudug.

Sidoo kale kuraastan ayaa waxaa mid ka mid ah si gaar ah loogu xiray gabdhaha, waxaana ku tartami doono dumar oo kaliya, si loo ilaaliyo qoondada haweenka ee ah 30%.

Kursiga HOP096, waxaa horey ugu fadhiyey Cabdicasiis Cilmi Cali, Kursiga HOP248 waxaa horey ugu fadhiyey Maxamed Axmed Abtidoon, Kursiga HOP#064 waxaa horey ugu fadhisay Sahro Cumar Maalin, kursiga  HOP#089 waxaa horey ugu fadhiyey Cabdi Shire Jaamac.

Kuraastan ayaa inta badan lasii ogyahay natiijadooda, gaar ahaan xubnaha soo baxaya, maadaama kuraasta qaar loo xiray, waxaana dadka tartamaya ka mid ah Saadaq Joon.

Guddiga doorashada Galmudug oo ka hadlay qabashada doorashadan ayaa sheegay inay qayb  ka tahay fulinta heshiiskii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan si dardarleh uga socota maamul goboleedyada iyo Muqdisho, waxaana qorshaha yahay in lasoo gabagabeeyo 25-ka bisha Febraayo.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda adag ee kala guurka ah, kadib is qab-qabsiyo xoogan oo hareeyey hannaanka doorashooyinka dalka.