Siyaasiyiinta Xawaadle oo soo saaray go’aan xasaasi ah, fariinna u diray Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ay ka mid yihiin, wasiirka arrimaha gudaha Jeneraal Mukhtaar, Cabdullaahi Goodax Barre, Cabdullahi Sanbaloolshe, xildhibaan Qoone iyo xildhibaan Jindi oo dhamaantood ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa shir jaraa’id oo caawa ay Muqdisho ku qabteen waxay uga soo hor jeesyeen ciidankii maanta la geeyey magaalada Beledweyne.

Siyaasiyiintaan ayaa Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe waxay ugu baaqeen inay cadeeyaan mowqifkooda ku aadan ciidankaas, sidoo kale waxay digniin u direen saraakiil ay ka xuseen taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Biixi oo aad ugu dhaw Farmaajo.

Ugu horeyn Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in ciidankaas Beledweyne loo geeyey in Villa Somalia ay ku boobto doorashada kuraasta golaha shacabka, balse dadka reer Beledweyne ay gadoodeen oo caawa difaac la isugu jiro gudaha magaalada.

“Waxaan rabaa inaan cadeyno halka ay fuuleyso masuuliyada dhibkii ka dhaca Beledweyne, qofka ugu weyn ee masuuliyadu saaran tahay waa ra’iisul wasaaraha dalka, waxaa muuqata in ciidankii siyaasadda uu cagaha la galay, Jeneraaladii ayaa siyaasadda maamulaya,” ayuu yiri.

Goodax Barre ayaa Rooble ka dalbaday in tallaabadiisa uu soo bandhigo, “Rooble markii uu is waafajiyo ficilkiisa iyo balantii uu qaaday, waxaan u cadeynayaa in taageeradeena uu ku jiifa doono, xaaladda Beledweyne qarka ayaa laga sii tuuray ee Rooblow wax ka qabo,” ayuu yiri Cabdullahi Goodax Barre.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka aysan waxaba ka gelin, balse saraakiishii geysay Beledweyne ay si shakhsi ah u daba geli doonaan, oo ay kula xisaabtami doonaan wixii dhib ah oo ay geystaan, “Reer Hiiraan wax ma iloobaan” ayuu yiri.

Dhankiisa Taliyihii hore ee NISA Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa saraakiisha iyo ciidanka la geeyey Beledweyne ugu baaqay inay ka joogaan go’aanada iyo amarrada qaldan ee la siinayo, isagoo fariin u diray madaxweyne Cali Guudlaawe.

“Waan jecleyn in Cali Guudlaawe uu Beledweyne tago, balse waxaan rabnay in go’aan iyo is faham Xawaadle uu ku tago, taasi ma dhicin, waana ka xunahay in maanta xoog lagu dayo, Cali Guudlaawe waxaan leenahay ka joog, ha isku deyin in dhiigii aad horay uga baaqsatay gacmaha laguu geliyo, cid Beledweyne xoog kugu geyn karta ma jirto,” ayuu yiri Cabdullahi Sanbaloolshe.

Sidoo kale Sanbaloolshe ayaa sheegay in taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Biixi iyo Farmaajo ay horay u go’aansadeen in gobolka Gedo oo beeshoodu degto ay Jubbaland ka jaraan oo iyagu maamulaan, sidaas oo kalena ay maanta doonayaan inay Beledweyne u maamushaan.

“Xawaadlow ha qaadan in Biixi uu Beledweyne ugu taliyo sida Gedo oo kale, Cali Guudlaawe inaad isku dhiibtaan ayaa idiin roon maanta, dagaalku ninka uu idinkala dhexeeyo waa Farmaajo, ma ahan Cali Guudlaawe, waxuu Farmaajo rabaa in qeybiye xukun uu idinku heysto,” ayuu yiri.

Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa sheegay in hadii ay yihiin reer Hiiraan iyo Cali Guudlaawe ay diyaar u yihiin in xiisada wadahadal lagu dhameeyo, isla markaana ay dalbanayaan in dib looga soo celiyo ciidanka la geeyey Beledweyne.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Jindi iyo Xildhibaan Maxamed Xasan Qoone ayaa sheegay in Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Ra’iisul Wasaare Rooble aysan ka war qabin go’aanka ciidanka lagu geeyey magaalada Beledweyne.

Xildhibaanadaan ayaa Rooble iyo Guudlaawe u soo jeediyey in arrintaan ay ka hadlaan oo ay iska beri-yeelaan hadii aysan ku lug laheyn, “Sidoo kale ka qaata tallaabada ku haboon,” ayuu yiri Xildhibaan Jindi.

Ciidan iskugu jira Gor Gor iyo Haramcad ayaa maanta gelinkii hore laga dejiyey magaalada Beledweyne, kuwaas oo isku balaariyey magaalada, ilaa hadana ma jirto cid cadeysay qorshaha ciidanka loo geeyey magaaladaas, waxaa goranka Ugaas Khaliif ku soo dhaweeeyey Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed, waxuuna kula dardaarmay inay sugaan amniga magaalada.

Dhawaan waxaa Beledweyne la filayaa inay ka dhacdo doorashada qaar ka mid ah xubnaha golaha shacabka, waxaana xusid mudan in magaaladaas uu yaallo kursi ay kooxda Farmaajo la rabto Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, kaas oo hadda uu ku fadhiyo xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir.