Ma miisaaniyada iyo kursiga ayaa is-dulfuulay mise wasiir Beyle ayaa miisaan saaran?

By Caasimada Online

Dunida waxaa soo maray Wasiiro Maaliyadeed salkiciyay dalalkooda dhaqaale ahaan, wasiiradaas waxaa ka mid ah oo ilaa hadda taariikhda dhow lagu xusaa:

Manuel Chang wuxuu ahaa Wasiirka Maaliyadda Muzambiik, waxaa 2018 lagu xukumay South Afrika, markii uu qandaraasyadii iyo Wasaaradii ka dhigtay dukaan uu isagu leeyahay. Hindiya waxaa 2019 xabsiga loo taxaabay Wasiirkii Maaliyadda Palaniappan Chidambaram oo lagu soo eedeeyay si khaldan u isticmaalid awoodda-Wasaaradda iyo lacag dhaqis ku dhow 43 bilyan oo Rupees Hindiga ah. Austria waxay 2020 xabsiga u taxaabtay Wasiirkii Maaliyadda Karl-Heinz Grasser oo ku takri falayay dhaqaalihii iyo awooddii loo igmaday. Sidoo kale, sanadkii tagey 2021 Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qatar ayaa xabsiga u taxaabay Wasiirkoodi Maaliyadda Cali Shariif Al-Camadi, markii uu sida Wasiir Beyle isbaaro udhigtay hey’adihii dowladda iyo qandaraasyadii shirkadaha gaarka loo leeyahay. Soomaaliya maaha meel sharci sarreeyo ama cidi amri karto cid kale, ee waxaa sarreeya yaa saaxiib la tahay, inteesa awoodda u dhowdahay iyo waxa loo yaqaan.

Wasiir Beyle iyo Isticmaalkiisa Warbaahinta

Wasiir Beyle maalmo dhoweyd oo uu warbaahinta lahadlay ayuu inkiray arrin uu Gole Wasiiro dhexdooda ku diiday. Qofkii diidmadiisa dhageysta wuxuu ula muuqan qof macsuum ah oo lagu been-abuurtay! Taas mid lamida markii uu xildhibaanimada waayay, wuxuu sidoo kale warbaahinta dhexmariyay fariin uu iska dhigay macsuum kursiga ku waayay musuq ka carar iyo miisaaniyad ilaalin, isagoo farta si dadban ugu fiiqay R/W Rooble. Laakin Beyle wuxuu siyaasadda dhexdeeda caan ku yahay in uusan runta jecleyn, wuxuuna aad u yaqaan sida jamaahiirta loo marin habaabiyo. Waana midda keentay in dad badan oo ka warheyn dowladda ay moodaan in uu yahay Wasiirka ugu waxqabadka fiican, meesha uu burburinayo mustaqbalka jiilashooda. Xaqiiqduse waxay tahay musuqa uu wasaaradiisa kadhex abuuray ayaa ubaahan sanado in la kala aruuriyo.

Usha iyo Kaarootada Wasiir Beyle

Wasiir Beyle wuxuu heestaa ul layiraahdo deyn-cafis, mashruuc walba ama wax walba oo uu hor istaagayo, ushaas ayuu la dhacaa, isagoo ku doodaya deyn -cafinta ayaa diidan. Kaarootada uu haysto waa mushaharaadka iyo kharashaadka laamaha dowladda uu ciddii uu doono afka u geliyo ama dhuunta kudhego. Mana aha wax ka qarsoon Masuuliyiinta dowladda ee waa arrin la wada ogyahay, balse nin walba ka baqayaa in kaarootada loo diido, ushana lala dhaco. Soomaaliduna waa dad u dhinta baahi-shakhsiyadeed, oo qof walba intuu isleeyahay keligaa noolow, ayay qaarna meydkoodu dhurwaayadu cunaan, qaarka kalana sugayaan dhimashada.

Wasaaradda Maaliyadda waa Guriga Musuqa Soomaaliya

Musuqa wuxuu ka yahay Wasaaradda Maaliyada, bakeeri biyo ah oo la cabbo, waa Wasaaradda howlaha Qaranka ka kala socon lahaayeen, mano hayso shaqo aan aheyn in ay mushahar bixiso, caanshuur koobana ka soo uruuriso dekadda iyo gigada dayuuradaha ee Aden Cabdulle. Intaas ayaana dowladda dhexdeeda la isugu awood sheegtaa, laguna musuq-maasuqaa si kabaxsan xirfadda bureaucracy ee xafiisyada dowladaha wax ku lug-gooyaan. Dadka dowladda kujira waxay is-weydiiyaan in isbaarooyinkii Muqdisho yaalay Maxaakimtii kahor, loosoo raray Wasaaradda Maaliyadda, waayo dhexdeeda ayaa waxaa dabakh walba yaalla isbaaro uusan qofku ka gudbi karin ilaa uu baad baxsho, illaa Xafiiska Wasiir Beyle ee ah meesha qandaraasyada lagu saxiixo. Ka warran Wasiir Maaliyadeed dhan oo usoo shaqo taga aroor walba inuu qandaraasyo saxiixo?

Tusaale ahaan, Waaxda Miisanaiyadda, Xafiiska Xisaabiyaha Guud, Xafiiska Hanti Dhowrka, Waaxda Dakhliga, ama xafiisyada yaryar ee World Bank u shaqeeya sida PFM ama PIU, waa habeenkii xalay ahaa oo tagey in waraaq ama howl laguu gudbiyo, adigoo aan lacag lagaa qaadan ama lacagta lagu siinayo percentage % ka bixin ama aanan Wasaaraddaada ama xafiiskaaga dad laga shaqaalaysiisan ama aadan qandaraaska siin cidda ay iyagu wattaan! Hadii aad ka-dhego-adeegto xafiisyadaas mid kamid ah, waa adagtahay in aad ka gudubto isbaarooyinkaas, iskana hilmaam in ay shaqo kuu qabsoonto hadii aad tahay shirkad qandaraas lasiiyay ama hadii aad tahay xafiis kale oo dowladeed. Ciddii aad rabto u dacwood, sidaad rabto u qeyli, lagama yaabo in isbaarada lagaa qaado, waayo Wasiir Beyle ayaa isbaarooyinka wada dhigay Wasaaradda, labada Wasiir ee kuxiga waahore ayaa lagu aamusiyay in loo qoro kharash degaan iyo cunno oo aan go’eyn, hadii ay iswaalaan, kirada guriga iyo kharashka baahsan ee bishii $20 kun dhaafaya ayaa laga goosanayaa!

Xafiiska Hanti-dhowrka ee dadka loogu caga jugleeyo, lagana soo saaro waraaqo la isku tusayo Beesha Caalamka, maalmo dhoweyd Wasaaradda Kalluumeysiga ayay iska laaladinayeen laakin waa xafiis hanti-boob oo cid isaga hubisa aysan jirin. Tusaale ahaan Hanti-dhowruhu kirada uu uqaato gurigiisa khaaska ah iyo kharashaadka xafiiskiisa (running cost) ee uu ku baashaalo wuxuu u hormarsadaa lix-lix bilood.Ammaa Wasaaradaha kale waxay baryootamaan in xittaa sanadkii hal bil laga siiyo kharashaadkooda, mana helayaan ilaa ay deal galaan. Wasiiradu haddii shirar caalami ah lagu casuumo ma haystaan kharashaad ay isaga baxshaan ticket-ka diyaaradaha! Sidaa awadeed, waa in ay dalka casuumay ka baryaan ticket iyo hotel. Intaas waxaa udheer handadaad joogta ah oo umuuqata in Hanti-dhowruhu yahay sidii R/W Qaranka, waraaq maalin dhoweyd la wareejinayay xafiisyada dowladda, waxaa ku qorneyd in aanan cidna la shaqaaleysiin karin, cid shaqaale ahna liisaska mushahaarka laga saari karin! Sababta waxaa weeye liisaska waxaa kujira dadkii ay isbaaradooda khasab kusoo geliyeen liisaska mushaharaadka oo ah dad Muqdisho iska dhex lugeeya, dowladna aan u shaqeyn! Haddaba, miyaysan Wasaaradda Maaliyadda usoo guurin isbaarooyinkii Xamar ee dadka la is miisaami jiray ama biyaha wasakhdaa la cabsiin jiray, kuwaas oo loo soo xirtay suud-iyo-taay iyo computers? Markaana soo dhalinta askarta ah, shacabka kama xoogayaan mobilada ileyn kharashaadkii Wasaaradahooda ayaa isbaaro loo dhigtaye?

Tusaalayaasha qandaraasyada waalida ah ee Wasiir Beyle hoos yimaada waxaa kamid ah FMIS, waa systemka lagu baxsho mushahaaraadka DFS oo dhan. Nin Idris layiraahdo oo Ameerika jooga oo $20kun ku qaata ayaa liisaska loo diraa oo halkaa kasoo geliya laptop uu si khaasa u haysto. Systemku wuxuu saaran yahay iCloud shirkadda Liquid Web Support oo ay leeyihiin wiilal dhalinyaro ah oo Ameerikaan ah, macluumaadka mushaharaadka DFS dhan halkaas yaalaa, code-ka barnaamijka waxaa haysta nin Falastiini ah oo Dubai jooga oo ay Dowladda Imaaraadka marka ay rabto ka dalban karto inuu u furo systemka si ay u ogaato qof walba oo DFS u shaqeeya wuxuu qaato. Mala waayay shirkado Soomaaliyeed oo howshaa qaban kara? Malase waayay dhalinyarada dalka iyo dibadda wax ku baratay in ay dalkooda kahaqab tiraan barnaamij noocaas ah? Maya, way joogaan, waana diyaar, laakiin Wasiir Beyle wuxuu ka doorbidayaa dadka caddaanka ah ee Nairobi ku cuna malaayiinta, una soo shaqo tagey Soomaaliya in uu qandaraasyada siiyo.

Madax Isku-gelin Laamaha Dowladda

Wasiir Beyle wuxuu kale oo caan ku yahay in uu madaxa isku geliyo shaqooyinka iyo mashaariicda Wasaaradaha. Tusaale ahaan, majirto Wasaarad ama laan dowladeed oo aan shaqo ku haysan wasaarad ama laan kale, sababtoo ah Wasiir Beyle ayaa lacagta-mashruuca taas u yaala siiyay taas kale oo uu danihiisa ka dhex arkay. Waana adag tahay in ay Wasaaradahaas ka gar helaan, waayo Wasiir Beyle wuxuu aduunka ugu neceb yahay runta, wixii aad hadda ku wada hadasheen, markii la isugu yimaado Gole, wuuba inkirayaa, waliba inkiraad aan geed ku gabasho laheyn – wax kuu kala soconayana majiraan! Tusaalayaashu waa badan yihiin, waxaanse xusi karnaa Wasaarada Tamarta iyo Biyaha iyo midda Patroolka. Sidaa awgeed sida ay Soomaalya siyaasiyan u curyaantay, ayuu u curyaamiyay farsamo ahaan, dhaqaale ahaan iyo horumar ahaan. Mashaariicda qaarkeed isagaaba qaata oo la aada gobolka uu kasoo jeedo, isagoo gobalka Awdal waxba tarin, ayuu tuulooyin qoys hoose ka dhisaa iskuulo iyo wadooyin. Tusaale ahaan 2021 waxaa jiray mashruuc African Development Bank (ADB) oo uu 70% leexsaday Wasiir Beyle, kadib ayuu ka warhelay R/W Rooble oo amray in uu joojiyo. Wasiir Beyle intuu diyaarad ku dhuuntay ayuu ka degay Abidjan oo ah HQ ADB halkanaa kusoo saxiixay mashruucii uu leexsaday!

Lalama Xisaabtami karo Miyaa Wasiirka?

Akhristaha waxaa laga yaabaa in uu is-weydiiyo meesha R/W iyo M/W ma joogaan miyaa? Jawaabta waa in uusan Beyle cidna accountable u aheyn sida uu hadda kahor warbaahinta kayiri Wasiirkii hore Ee Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq oo waxyaalaha uu xilkiisa ku waayay ka mid aheyd in kharashaad “running cost” isbaaro loogu dhigtay. Wasiir Beyle kharashka gurigiisa kubaxa bishii wuxuu kor u dhaafaa $50kun, iska daa kharashaadkiisa kale ee safarrada iyo hoteelada ee uu jeebka ku qaato $80kun ama wiilasha u shaqeeya ee midkiiba bishii qaata $13kun ama ka badan oo gunno ah. Halkee ku aragtay dal dhalintiisi 90% shaqo la’aan yihiin, hal qof oo lataliye ah uu qaadanayo dhowr iyo toban kun oo Dollar bishii? Hal Wasiir iyo hal hay’ad dowladeed oo kharash si joogta ah ama rasmi ah loo siiyo majirto. Rooble marka uu qeyliyo ayaa xoogaa loo sii daayaa, Farmaajana wuxuuba caan ku yahay in uusan kala saari karin wiilasha agaasimayaasha ka ah Madaxtooyada. Laakin Wasiir Beyle wuxuu accountable u yahay keliya qofka diirka-cad, haddii World Bank ama IMF ay soo diraan gabar 23 jir ah oo oo technical level ah oo ay amar ku siiso Wasiir Beyle in uu Wasaarad hebel siiyo kharashaad, horay ayuu ka fulin, meesha uusan telefoonada ka qaban Wasiirada dhigaalkiisa ah ee uu Golaha la fadhiyo. Laakiin Fiona British oo katirsan FGC, haddii ay tiraahdo saxiix qandaraaskaas, war kama soo celiyo.

Wasiir Beyle marka uu kursiga waayay wuxuu yiri kalmad cajiib ah oo ka markhaati kaceysa cidda uu accountable u yahay “Miisaaniyadda iyo dhaqaalaha dalka ayaan u joogaa inaan u maamulo si aduunku ogyahay” Wasiir Beyle uma aha Wasiir Soomaaliya ee aduun weynaha ayuu Wasiir uyahay oo accountable u yahay, amarkooda ayuuna ku shaqeeyaa sida hadalkiisa ka muuqata. Markuu doonana dalka dhaqaalihiisa sagxadda ayuu geeyaa! Wuxuu kaloo ku andacooday in maaliyadii iyo kursigii is-dul fuuleen, isagoo tuhmaya R/W Rooble, aduunkana u qeylo dirsanaya! Gaaladuna waaba jecel yihiin Afrika in ay ku xukumaan dadka u arka in ay iyagu yihiin kuwii Ilaahay doortay. Qof Beesha Caalamku ammaanto ama difaacdo, dadkiisuna aysan jecleyn ka shakki 1001 jeer.

Marka Wasiir Beyle cid aan caddaanka aheyn loogama dacwoon karo, hadaad si dhow u eegto dhaqankiisa, wuxuu nool yahay xilligii isticmaarka ee qofka diirka-cad dusha uga socon jiray qofka diirka-madow. Wasiir Beyle, ma ixtiraamo, dhaqan, Soomaalinimo, damiir dal, dowladnimo iyo diin. Diinta haba sheegin waayo dadka kudhow waxayba xan-sheegaan in uusan soomin oo salaadin! Marka hadii Wasiir noocaas ah, gacanta loo geliyay go’aankii Beytul-maalkii umadda Soomaaliyeed, miyaysan Soomaalida ku habsan musiibo? Wasiir Beyle wuxuu dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ku hayaa Argagax-Dhaqaale (Economic Terror Attack), meesha ay Argagaxisada ku hayso dadka iyo dalka Argagax nololeed. Waxaana hubaala in uusan deyn cafis ka shaqeyn ee uu qaan aysan bixin karin gelin doona jiilal aanan wali u dhalan Qaranka Soomaaliyeed.

Laakin Ilaahay waa caadil, mana nicin Soomaalida, waxaana caddeyn u ah in uu dorraad Wasiir Beyle ku hor ceeboobay Golaha oo uu halkaa uga soo horjeestay Qalbi-Dhagax iyo ONLF, shalayna uu waayay kursigii Xildhibaanimada ee Beeshiisa. Qofku inta uu rabo wuu marin habaabin karaa jamaahiirta, laakin maqaadiirtu arxan uma laha maafiyada, cimrigoodana ma dheerayso. Mana foga goorta uu Ilaahay usoo diri doono qof qumman oo damiir leh oo dhaafiyo kursiga Wasiirnimada, kala aruuriya isbaarooyinka udhigay, dib-danbana uusan dowladnimada foodda usoo saarin, waayo waa qof aad u neceb Soomaalinimada iyo Islaamnimada iyo dalkan in uu cagahiisa ku istaago. U maleyn maayo in Wasiirada Dowlada laga helayo mid sii raaci lahaa janaazada Wasiir Beyle hadii uu maanta geeriyoodo. Ilaahow dadku yaysan sidaa inoo nicin, inagoo wali dhulka ku socona!

W/Q: Cabdiraxmaan Warsame
La-taliye hore ee DF Soomaaliya
[email protected]