Galmudug oo si rasmi ah u sheegtay shuruudihii ay hor dhigtay dowladda Somalia

Dhuusa- Mareeb (Caasimadda Online) – Maamulka Galmudug ayaa si rasmi ah uga hadlay waxyaabihii looga wada hadlay kulamadii dhawaan ka dhacay Magaalada Dhuusa Mareeb ee Caasimadda Galmudug kadib socdaalkii Wasiirka Arrimaha Gudaha, Di u heshiisiinta iyo Federaalka Sabriye.

“Galmudug waxay muujisay in miiska wada-Hadalka la isugu imaan karo hadii Dowlada Fadraalku ay tixgaliso Dastuurka Galmudug islamarkaana ay gacmaha ka laabato faragalinta qaawan  oo ay ku heyso jiritaanka Hay’adaha dastuuriga ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug sida; muddo xileedka Madaxda sare iyo Golaha Baarlamaanka” ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka kasoo baxay.

Sidoo kale, Dowlad Goboleedka Galmudug waxay dalbatay in ka hor wada-hadalada ay DFS ay xiyiraada ka qaado kaalmadii miisaaniyadeed ee Galmudug ay ku laheyd qoondada miisaaniyada qaranka iyo mashaariicda horumarineed  ee hakadka ku jira muddo sanad ku dhaw si loogu adeego shacabka la dalaa-dhacaya duruufaha adag sida colaada iyo abaaraha soo noq-noqday”

Gamudug ayaa sheegtay in wasiirku in ay u gudbiyeen dhankooda cabashada ay qabaan ”Wasiirka arimaha gudaha wuxuu dhageysatay dhammaan tabashooyinka madaxda kale duwan ee Galmudug. Wuxuuna dib ugu noqday Caasimada si uu la tashi ula yeesho madaxda ka sareysa”.

“Wasiirka arimaha gudaha wuxuu dhageysatay dhammaan tabashooyinka madaxda kale duwan ee Galmudug, wuxuuna dib ugu noqday Caasimada si uu la tashi ula yeesho madaxda ka sareysa” ayaa lagu xiri war saxaafadeedka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in heshiis laga gaaro khilaaf ka dhexeeya Dowlada Federalka iyo Maamulka Galmudug ee la xiriira qabashada doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Waxa uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha  in kulamadaas ay kasoo baxeen isku-soo dhawaansho iyo in xal loo helo khilaafka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Galmudug,isla markaana jawi wanaagsan ay kusoo dhamaadeen.

“Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan la wadaaagi doonaa waxyaabihii aan ka soo wada hadalnay Madaxda Galmudug,”ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Galmudug 

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusa Mareeb
Caasimada@live.com