Galmudug oo soo saartay jadwalka doorashada ee kuraas taalla GAALKACYO

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada Galmudug ayaa caawa shaaciyey jadwalka 6 kamid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kuwaas oo ah kuraastii u horeysay ee doorashadoodu ay ka dhaceyso deegaan doorashada labaad ee Galmudug.

Doorashada lixdaas kursi ayaa magaalada Gaalkacyo lagu qaba doonaa 5-ta bisha soo socota ee Maarso, sida lagu shaaciyey jadwalkaan.

Sidoo kale seddax ka mid ah kuwaastaan lixda ah, waxaa loo xiray Dumar, sida lagu cadeeyey jadwalka ka soo baxay guddiga doorashada Galmudug.

Kuraasta liiskooda la soo saaray ee la dooranayo 5-ta Maarso ayaa kala ah:

1- HOP001, 2- HOP013, 3- HOP017, 4- HOP020, 5- HOP060, 6- HOP101

15-ka bisha Maarso ayaa lagu heshiiyey in la soo gabagabeeyo doorashada dhammaan xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, kadib shir ay isugu yimaadeen madaxda golaha wadatashiga qaranka.

Doorashadaan oo lagu balansanaa in la soo gabagabeeyo 25-kii bishaan ayaa lagu daray 20 cisho oo dheeraad ah, waxaana la saadaali karin in waqtiga hadda loo qabtay lagu soo gabagabey karo, maadaama xildhibaano badan aan weli lasoo dooran.

Hoos ka akhriso jadwalka