ROOBLE oo magacaabay guddi qiimeeya in doorasho lagu qaban karo Garbahaarey

Garbahaarey (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi qiimayn iyo baaris ku sameeya xaaladda amni ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Guddigan oo ka kooban toddobo xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Avv. Cumar Maxamed Cabdulle, waxaana ka mid ah xubno ka kala tirsan Guddiga Doorashada Heer Federaal, Guddiga Xallinta Khilaafaadka, Guddiga Doorashada heer Dowlad-goboleed ee SEIT, iyo xubno ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in guddigan ay soo qiimeyn doonaan xaaladda ammaan ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee magaalada Garbahaarey.

Magacaabista guddigaan ayaa ku soo aadday xilli weli khilaaf uu ka dhex taagan yahay maamulka Jubbaland iyo maamulka gobalka Gedo.

Garbahaarreey ayaa waxaa taalla 16 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu faray in guddigu ay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha warbixintooda u soo gudbiyaan muddo 7 maalmood ah.

Madaxweyne Farmaajo oo horey ciidan ahaan ula wareegay Garbahaarey ayaa doonayo inuu gacanta ku dhigo kuraastaas, halka Axmed Madoobe uu arrintaas kasoo horjeedo.

Lama ogo go’aanka ay qaadan karaan guddigaan la magacaabay, balse waxaa muuqato in arrinta Garbaaharey ay tahay mid culus oo waqti badan qaadan doonto, waxayna u badan tahay inuu guddiga soo saaro qoraal sheegaya inaan Garbahaarey doorasho lagu qaban karin.

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada kasoo baxday Rooble