Maamulka GALMUDUG oo war kasoo saaray agaasime laga afduubtay shalay

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa war kasoo saartay shaqaale uu kamid ahaa Agaasimaha wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug oo shalay lagu afduubtay magaalada Caabudwaaq.

Shaqaalaha la afduubtay oo dhamaantood ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Galmudug ayaa waxaa afduubtay ciidamo beeleed ka carooday habka loo qeybsaday golaha deegaanka Caabudwaaq.

“Dowlada Galmudug waxay cambaaraynaysaa dhacdadii Af-duubka ahayd ee aaga Degmada Caabud-Waaq loogu gaystay shaqaale ka tirsan wasaarada arrimaha Gudaha Galmudug Dec. 2, 2022. Falalka af-duubku waa fal dambiyeed kasoo horjeeda dhamaan sharciga iyo nidaamka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka.

Sidoo kale waxa qoraalka kasoo baxay maamulka lagu sheegay in markii dambe lasii daayay shaqaalaha uu kamid ahaa Agaasimaha wasaaradda arrimaha gudaha, kadib markii uu waan-waan arrintaasi ka galeen Odayaasha dhaqanka.

“Dowlada waxay u mahad-celinaysa Suldan Axmed Garbacune iyo Odayashii uu hogaaminayay ee ku guulaystay in ay soo dayaan Shaqaalihii shalay la afduubay. Galmudug waxay muhiimada koowaad siinaysa dhismaha dowladaha hoose, iyadoo sanadkaan anu ku jirno ay dhismeen illaa iyo shan degmo.”

Ugu dambeyntiina waxa la faray hay’addaha Amniga ee maamulkaasi in amniga degmada Caabudwaaq gacan buuxda lagu qabto.