Xildhibaano ka tirsan BF oo ka falceliyay magacaabista Yuusuf Kabakutukade

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golah Shacabka ee kasoo jeeda gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka falceliyay magacabistii Yuusuf Sheekh Ciise Kabakutukade oo ay markale kooxda Al-Shabaab usoo magacowday gobolkaasi.

Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Farey) oo ka mid ah xubnaha ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa sheegay in Kabakutukade uu tikid usoo goostay Filim dhammaaday.

Yaasiin Farey ayaa sidoo kale xusay in uu eedsan doono wixii dhibaata ah ee uu horey u geystay, maadaama uu sii dhammaanayo waqtigii Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Ninka layiraahdo Kabakutukade Filim dhammaaday ayuu tikid u goostay ayaan leeyahay, waxaan leeyahay maalmaha soo socdo ilaahey idamkiis dhibkii meeshaas ka dhacay iyo hadalka kasoo baxay waad eedi doontaa” ayuu yiri Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Farey.

Dhankiisa Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo isna ku sugan deegaanka Nuuq Dugle ayaa ugu baaqay shacabka inay hubka qaataan iskana dhiciyaan Kabakutukade iyo Al-Shabaab.

“Dadka diriska la ah Nuurdugle waxaan leeyahay qoryihiina qaata ee iska dhicaya Shabaab, Kabautukade waa nin meesha uu socod iyo meel kale aan aqoon oo diin wax ku saleysan aan ku socon,” ayuu isna yiri Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo haatan ku sugan jiidda hore.

Kabakutukade oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa markale Al-Shabaab gobolkan usoo magacowday, wuxuuna beddalay nin ka soo jeeday Bay & Bakool.

Dadka siyaasadda u dhuunduleela ayaa aaminsan in magacaabista Kabakutukade ay tahay siyaasad cusub oo ay Al-Shabaab ku doonayaan inay ugaga hortagaan kacdoonka shacabka ee haatan ka socdo gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.