GALMUDUG oo war kasoo saartay shirka ka furmaya magaalada Dhuusamareeb

Galmudug (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa faah faahiyey shirka madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada ee la filayo inuu maanta ka furmo magaalada Dhuusamareeb.

Wasiir Falagle ayaa shaaca ka qaaday inay u diyaar garoobeen marti qaadka shirkaasi, islamarkaana si weyn loo adkeeyey amniga caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hadda ay socoto qaban qaabada soo dhoweynta wufuuda & madaxda ka qeyb-galeysa shirkaas oo lagu wado inay saacadaha socdo tegaan halkaasi.

Shirkan wada-tashiga ah oo qaadan doono muddo saddex cisho ah ayaa waxaa horey u iclmaayey madaxweynaha Soomaaliya, iyada oo diirada lagu saarayo doorashooyinka.

Sida uu qorshuhu yahay waxaa xal mideysan looga gaari doonaa khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka, si looga gudbo is jiid-jiida u dhexeeya dhinacyada doorashada.

Si kastaba xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid aad u cakiran, waxaana shirkan laga filayaa inay kasoo baxaan go’aano lagu wajahayo doorashada 2021-ka.