Wasiir Janan oo shaaciyey tallaabo ay qaaday DF oo la xiriirta degmada Beledxaawo

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa si faaah faahsan uga hadlay dagaalkii dhowaan ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Janan ayaa shaaciyey in marka ay qabsadeen magaalada qorshahooda uu ahaa in aysan ka laaban, balse looga itaal roonaadaay dagaalkii rogaal-celiska ahaa ee lagu qaaday.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey dowladda dhexe Soomaaliya inay hub culus geysay degmada Beledxaawo, islamarkaana ay u adeegsatay dagaalkii ka dhacay degmadaas.

“Ku talagalkeenu ma ahayn in aan dib uga baxno Buulo Xaawo, waan qabsanay inkasta oo sababo jira aan dib uga baxnay waana xeelad ciidan, waxaana nasiib darro ah in hubka Tukriga uu u bixiyay in lagula dagaalo Shabaab loo adeegsado Balad Xaawo” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday in ciidamo looga qabtay dagaalkii ka dhacay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, isaga oo tirada ku sheegay illaa 37 askari, kuwaas oo qaarkood la qabtay, kuwa kalena ay is-dhiibeen, sida uu hadalka u dhigay.

“Annaga ciidan 37 qof ah ayaa 16 ka mid ah la qabtay inta kalana ay is dhiibeen, laakiin labo boqol iyo boqol midna nagalama qaban,” ayuu sii raaciyey.

Si kastaba ciidamada Jubbaland ayaa haatan ku sugan deegaanka Dhuxun Dhurwaa ee duleedka Beled Xaawo, sida uu wareysigan ku sheegay wasiir Cabdirashiid Janan.