GALMUDUG oo xal u heshay hal arrin cusleysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa ka shanqariyay in talaabadii ugu horeysay oo ay ku guuleysteen ay noqotay isku dhafka iyo mideynta Ciidamada Maamulka ee ka howlgala Deegaanada hoostaga Maamulka.

Maxamed Xaashi Cabdi ”Carrabey”, oo ah Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug ayaa sheegay in muddo kooban ay ku hirgaliyeen dhismaha Ciidamo isku dhaf ah oo laga soo kala uruuriyay deegaano badan islamarkaana la mideeyay.

Waxa uu sheegay in Ciidamadaasi uu Maamulka kasoo kala xulay qabaa’ilaadka gobolka, Maleeshiyaadkii hubeysnaa iyo xubno kamid ah ciidamadii hore ee xoogga dalka si ay uga mid noqdaan dhismaha ciidamada Galmudug.

Mr Carrabey oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Maamulka uu wado qorshooyin uu ku gaari lahaa xarunta rasmiga ah ee Dhuusamarreeb, waxa uuna cadeeyay in gaarista xaruntaasi ay imaaneyso ka gadaal markii lasoo afjaro tabashooyinka Ahlu-Sunnada ku sugan magaalada ay qabaan.

Waxa uu carab dhaway in cid kasta oo wax ka tabaneyso maamulka ama si kale u aragto ay ka go’an tahay in ay ku dhameeyaan wada-hadal.

Talaabadaani ayaa imaaneysa xili Maamul goboleedyada dalka ay caqabad ka heysato qorshaha isku dhex milmida Ciidamada iyo Maleeshiyaadka ku hoos nool Maamuladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com