Daawo Sawirrada: Maamulka Shabellaha Dhexe oo sammeeyay tallaabo si aad ah lagu farxo…!!!

Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xariga kajaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe.

Mashaariicdan oo uu xariga ka jaray guddoomiye Guudlaawe ayaa waxaa ka mid ahaa iskuulo,xarumo caafimaad iyo ceel laga hirgeliyay deegaanada Qalimow iyo Xawaadley iyo weliba magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Dadweynaha ku nool deegaanada Xawaadley iyo Qalimow ayaa si diiran u soo dhoweeyay wafdigii guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe waxaana mas’uuliyiintii deegaankaas gaartay ka mid ahaa xildhibaan Sheikh cabdisataar sheikh cabdsalan Shiikh Xasan Barsane oo ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Sh/dhexe.

Deegaanka Qalimow ayaa laga hirgeliyay mashaariic isugu jirta xarun waxbarasho iyo xarun caafimaad iyo sidoo kale ceel dadku ay ka heli karaan biyo nadiif ah.

Sidoo kale deegaanka Xawaadley ayaa laga furay mashaariic ka kooban xarun waxbarsho iyo xarun caafimaad oo markii ugu horeysay deegaanka Xawaadley laga hirgeliyay.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa hadal uu ka jeediyay deegaanada Qalimow iyo Xawaadley waxa uu ugu baaqay shacabka ku nool inay ka faa’ideystaan isla markaana carruurtooda ay keenaan iskuulada. Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa u mahadceliyay hay’ada Qadar Charity oo mashaariicdan hirgelisay.

Ugu dambayntii guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa waxa uu xariga ka jaray qeybo cusub oo lagu kordhiyay dugsiga H/dhexe iyo Sare ee Sh.Xuseen Cadde iyo dayactir lagu sameeyay isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee degmada Jowhar.

Ma aha markii ugu horeysay ee mashaariic horumarineed laga hirgeliyay deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe hase yeeshee mashaariicda maanta xariga laga jaray ayaa ah kuwo halbowle u ah horumarka bulshada maadaama ay ka kooban yihiin iskuulo,isbitaalo iyo ceelal.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com