Tirada xldhibaannada Shariif Xasan uu soo wado oo la shaaciyay iyo goorta lagu dhawaaqayo.!!!!

Baraawe (Caasimada Online) – Maamulka Koofur galbeed ayaa ka hadlay xildhibanada baarlamanka maamulka koofur galbeed uu yeelanayo in tirada xildibaanada baarlamaanka maamulkaasi uu noqonayo.

C/qaadir Cashar Nadaara, afhayeenka maamulka Koofur Galbeed aya sheegay in maamulkooda uu dadaal xoogan ugu jiro sidii loo dhameyn lahaa soo xulista baarlamaanka maamulkasi.

Wuxuu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka la qorsheynayo iney noqdaan 105 xildhibaan, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in lagu qanciyo dhamaan beelaha daga deegaanada maamulka koofur galbeed.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in 20 bishan loo qorsheeyay in lagu dhawaaqo xubnaha barlamaanka maamulka koofur galbeed, inta ka harsanna latashiyo badan lala sameyn doono odayaasha dhaqanka ee Koofur Galbeed.

Inkastoo afhayeenka maamulka koofur galbeed oo sidaasi sheegay ayaa haddana waxaa jiro cabashooyin ay muujinayaan beelo badan oo daga deegaanada maamulkaasi ka arimiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com