Xog: Saraakiil ka tirsan Amisom oo shaqadooda ku waayay arrin khatar ah oo ay ka geysteen…!

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay Taliska Militariga Ciidamada Uganda ee qeybta ka AMISOM, ayaa waxaa shaqada looga joojiyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM.

Saraakiisha shaqada laga hakiyay ayaa waxaa lagu sheegay inay yihiin 15- Sargaal oo loo aaneynaayo inay ka danbeeyen Kufsi lagula kacay Gabdho Soomaaliyeed.

Saraakiisha shaqada laga hakiyay ayaa waxaa baaritaano dheer kadib lagu helay kiisas muujinaaya in siyaabo kala duwan ay saf uga mareen dumar Soomaaliyeed kuwaasi oo loo adeegsaday awood.

Afhayeenka Ciidanka Militariga Uganda Mr Captain Paddy Ankunda, ayaa cadeeyay in shaqada laga joojiyay Saraakiishaasi, illaa iyo inta baaritaanada ay ka soconayan.

Nuqul kamid ah qoraalka ayaa waxa uu ahaa “Shaqada ayaa laga joojiyay Saraakiisha, illaa iyo inta baaritaanada lagu soo kala xaqiijinayo waxyaabaha lagu soo eedeeyay inay ku kacayn.”

Dhinaca kale, Afhayeen Paddy Ankunda, ayaa Wakaalada AFP u xaqiijiyay in kiiska Baaritaanka socda uu suuragal yahay inuu lugta lagalo Saraakiil kale oo iyaguna la tuhun san yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com