Yuusuf Gama’diid: Xasan Sheekh wuxuu wadaa wixii uu shalay ku diiday Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib hadal kulul oo uu ka dhex jeediyay kulankii maanta ee baarlamaanka.

Gama’diid ayaa si weyn uga horyimid qorshaha uu wado madaxweynaha ee ku aadan wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah oo haatan ay ku howlan tahay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Xasan Sheekh uu hadda wado wixii uu shalay ku diidayay  Farmaajo, uuna ku dhaqmayo sharci darro, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynaha maalmahaan waan aragnaa kulamo ayuu wadaa, Dastuur uu shalay isaga yiri xildhibaanow mas’uuliyiin ayaad tihiinee sharci darrada uu madaxweyne Farmaajo wado iyo muddo kordhinta ka hortega” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid)

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha inuu doonayo inuu si qasab ah ku fuliyo damaciisa ku aadan wax ka beddalka Dastuurka oo ay haatan ka taagan tahay dood culus.

“Dantaada gaarka ah iyo xukunka inaan joogo ayaan rabaa & Dastuur aad dad ku qasbeyso xagga iska dhig, Ilaaheybaa ku daalacanaayeen intaad ka baqdid ee Ummaddan sidii loo badbaadin lahaa ee buuraha saaran dadka taas ku baraaruji” ayuu mar kale yiri Gama’diid.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu meel iska dhigo siyaasadda, kadibna uu diiradda saaro xaaladda bani’aadanimo ee ka taagan dalka.

“Sharci darro ayaa hadda wadaa madaxweyne ee waxa kala qaybinayo Ummadda jooji gargaarka iyo arimaha taagan ka hadal iyo samata bixinta dadka” ayuu kusii daray.

Si kastaba, Kalfadhigga-aad ee baarlamaanka 11-aad oo furmay 25-kii bishaan November ayaa la filayaa in go’aan looga gaaro arrinta Dastuurka oo ay haatan dood ka qabaan siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo sidoo kale dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.