DIGNIIN: Maxaa dhacaya toddobada cisho ee xiga?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiinooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA) ayaa mar kale digniin culus soo saartay, taas oo ku aadan halis ku soo wajahan Soomaaliya, taas oo ay sheegtay inay muujineyso saadaal la sameeyay.

SoDMA ayaa shaaca ka qaaday in todobada cisho ee soo socota ay di’i karaan roobah xoogan oo daadad wata, isla-markaana ay ka di’i doonaan gobollada dalka.

“Todobada cisho ee soo socota oo ah asbuunca ugu dambeeyay ee bisha November iyo asbuuca ugu horreeya bisha December 2023ka waxay saadaashu roobka xilliga Dayrta muujinaysaa in roobab fiican ay ka di’i doonaan qaybo kamid ah gobollada dalka” ayaa lagu yiri digniinta.

Waxaa kale la raaciyay “Xaddiga roobabkaas ay heli doonaan sida saadaashu sheegeyso ayaa cabirkoodu u dhexeeyaa 30 illaa 100 (mm)” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Hay’adda ayaa si gaar ah u tilmaamtay in roobabkaas ay ku wajan yihiin  gobollada Bari, Nugaal, Sool, Sanaag, Togdheer, Baay, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo gobolka Banaadir, waxayna heli doonaan roobab cabirkoodu u dhexeeyo 50 illaa 100 (mm).

Degmooyin kamid ah gobolladan waxay saadaashu sheegeytay in roobabkaas ay sababi karaan daadad iyo fatahaado (Flood iyo Flash Floods).

Sidoo kale dgemooyin ka tirsan gobollada Mudug, Waqooyi Galbeed, Shabeelaha Hoose, Shabeelada Dhexe iyo Gedo ayaa waxaa la saadaalinayaa inay ka da’aan roobab cabirkoodu u dhexeey 30 illaa 60 (mm), sida ay sheegtay Hay’adda Maareyynta ee SoDMA.

Waxaa kale Hay’adda SoDMA ay intaasi ku dartay in roobabkaas la saadaalinayo ay sababi karaan khasaare xooga, ayada oo shacabka ugu baaqday inay muujiyaan feejignaan.

“Haddii roobabka la filayo todobaadkan ay da’aan sida saadaashu sheegeyso waxay gaysan karaan khasaare isugu jiro naf iyo maalba leh” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad bani’aadanimo oo aad u daran, taas oo ka dhalatay roobaab daadad wata iyo fatahaado xoogan oo ku dhuftay gudaha dalka.