Ganacsade caan ah oo lagu dhaawacay magaalada Laascaanood

Laasacaanood  (Caasimada Online) Wararka naga soo gaarayo magaalada Laasacaanood ee gobalka Sool ayaa sheegaya in maanta barqadii halkaas lagu dhaawacay ganacsade caan ah.

Sida ay lee yihiin dad goobjoogayaal ah, waxa maanta bartamaha Laasacaanood lagu toogtay Axmed Cabdi Timir oo ah ganacsade si aad ah looga yaqaanno gobolka Sool.

Waxa toogtay labo nin oo ku hubeysnaa bastoolado, kuwaasoo rasaas madaxa kaga furay isasagoo xilligaas lugeynayay bartamaha magaalada.

Ma cadda wax yaabaha keenay in la dhaawaco Axmed Cabdi Timir, laakin isla xaley ayaa magaalada lagu dhaawacay haweeney dumaashidiis ah, taasoo lagu weerraray guri uu leeyahay nin ay walaalo yihiin.

Markii uu weerrarka dhacay waxa goobta soo gaaray ciidamo badan oo bilays ah kuwaasoo la soo sheegayo in ay gacanta ku dhigeen dableydii weerarka geysatay.

Boqollaal qof ayaa buux dhaafiyay saldhigga waqooyiga magaalada kaddib markuu falka weerarka ah dhacay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo magaalada Laasacaanood ay ka dhacaan falal noocan oo kale, horrey ayaa kooxo hubeysan oo aan la garaneynin dilal uga geesteen magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Laasacaanood