Ganacsiga Soomaalida oo ka xoroobaya dekedaha Imaaraadka Carabta kuna xirmay laba dal oo kale

Muqdisho (Caasimadda Online) – Markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Jabuuti ayaa ka shaqo bilaabay dekedda magaalada Muqdisho, waana markabkii ugu horreeyay ee isku xiraya ganacsiga dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Madax ka tirsan dowladda Federaalka iyo ganacstada magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah-furayay khadka cusub ee isku xiraya Soomaaliya iyo Turki, waxaana marin ahaan loo marayaa dalka Jabuuti.

Sida la ogaaday markabka African Sun ee dalka Jabuuti ayaa 2-dii bishaan kasoo baxay magaalada Istanbul, wuxuu kusoo xirtay dakadda magaalada Muqdisho, wuxuu u gudbi doonaa sida la sheegay magaalada Kismaayo ka hor inta uusan aadin Boosaaso iyo Jabuuti.

Maraakiibta soo mara dekeddaha Imaaraadka Carabta ayey ku qaadan jirtay iney Muqdisho soo gaaraan 40 Maalmood, waxeyna tallaabadaan u muuqataa mid looga xoroobay ganacsiga ku xirnaa Imaaraadka Carabta.

Sii-hayaha Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa bogaadiyay tallaabadaan ayna muujineyso sida ganacsiga dalka usii baahayo, sidoo kalana ay hormar aan caadi aheyn sameynayaan ganacsatada.

Tan iyo markii dowladda Turkiga ay garab istaageen Soomaaliya, ganacsatada Soomaalida ayaa si tartiib tartiib ah ganacsigooda ugu weecinayay dhankaas, waxaana aad loo bogaadiyay go’aanka ay kasoo shaqeeyeen dowladda Jabuuti iyagoo kashanaya ganacsato Soomaaliyeed.