GARAAD JAAMAC oo dalab culus u diray DF iyo Jabuuti

Laascaanood (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC ayaa markii u horeysay dalab la xiriira xiisada ka taagan Laascaanood u diray dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jabuuti.

Garaadka ayaa waxa uu dowladda federaalka iyo Jabuuti ka dalbaday inay dhulkooda uga saaran Somaliland, ayna soo kala gaadhaan iyaga iyo maamulka Muuse Biixi inta ay isfara-saarin, sida uu hadalka u dhigay.

“Jabuuti ha ahaato oo walaalaheena oo dariskeena ah, ama dowladan aanu ka tirsanahay ee federaalka ha ahaato, walaalayaalow inta waxani meesha ay marayaan ayna dhaafin, oo kumanaan ayna isku dhiman waad aragtaane dee qabta, oo dalkayaga nooga saara” ayuu yiri Garaad Jaamac.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Laascaanood uu muddo badan kadib ugu soo laabtay, si uu shacabka uga badbaadiyo xukun iyo maamul aanay rabin, ayna wadi doonaan halgankooda inta uu guuleysanayo.

“Fikirkayaga iyo aragtiyada way ballaaran tahay, waxa la isku dilay ee isku hayno waa go’ayna iyo la go’i maayo, oo arrintaas anaga wax gorgortan gali kara nooma ahan.”

Garaadka ayaa ka dhawaajiyay in xiligaan aanay wax wada-hadal ah la galayn xukuumada Somaliland illaa ay xukuumadda Muuse Biixi qirto in ay iyagu leeyihiin talada dhulka Sool, Sanaag iyo Cayn ee ay dagaan, sida uu sheegay.

“Marka hore waa in ay qiraan (Somaliland) in dhulkayaga anaga aan leenahay, anaga iyo beesha reer Sheekh Isxaaq dhul naga dhaxeeya majirto oo ma wada dagno, anaga qabiil ayaa nahay oo dhul ayaa daganahay iyaguna waa qabiil dhul ayay dagaan. Waxaa noo dhaxeeya xad qabiileed oo kala leenahay.”

Garaadka oo dhawaan si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood, ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay “in reer Laascaanood ay yihiin dad waligood usoo halgami jiray midnimada Soomaaliya, haddanaa ay raalli ka ahaan doonin in Soomaaliya la kala gooyo.”