SACIID DENI oo shaaciyey inuu beegsanayo dadka la…

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyay in uu maamulkiisa uu wado qorshe amni oo lagu beegsanayo dadka la shaqeeya kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Saciid Deni ayaa sheegay inay og-yihiin dadka la shaqeysta Shabaab iyo Daaciash, islamarkaana ay tallaabo ka qaadi doonaan, xilli uu dalka ka socda dagaal ka dhanka ah kooxaha argagixisada oo sanado badan dhib ku hayay Soomaaliya.

“Xaqiiqdan ayaa idiin sheegayaa, qorshaha amni ee soo socda inta aanan buuraha la aadin, kuwa gudaha joogaan raadsanaynaa oo wax ka qabaneyna inta loo gudbin buuraha,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Hadalka Deni ayaa kusoo aadaya, xilli dhawaan deegaano ka tirsan gobolka Bari loo geyn waayay sanaaduqda diiwaan-galinta doorashada cabsi laga qabo halis amni oo ka imaan karta kooxaha argagixisada, oo ayagu ku sugan buuraha gobolka Bari.

Laba maalin ka hor unbay ahayd markii uu Mareykanka duqayn uu ka fuliyay gobolka Bari ku dilay Bilal al-Sudani, oo ururka Daacish u qaabilsanaa dhanka maaliyadda, islamarkaana ku dhuumanayey meel buuraley ah.

“Tallaabadan waxa ay Maraykanka iyo saaxiibadiisa ka dhigeysaa kuwo amaman ah, waxayna ka tarjumaysaa sida ay uga go’an tahay inaan Mareykanka ka ilaalinno khatarta argagixisada gudaha iyo dibadda,” waxaa sidaas yiri xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin oo Arbacadii bayaan soo saaray.

Al-Sudani ayaa markii hore lagu daray liiska argagixisada ee Waaxda Maaliyadda 2012-kii doorkii uu ku lahaa Al-Shabaab darteed.

Wuxuu ka caawiyay dagaal-yahannada ajnabiga ah inay u safraan xero tababar oo Al-Shabaab ay leedahay, wuxuuna fududeeyay maalgelinta xagjiriinta rabshadaha ka wada Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden.

Saraakiisha Mareykanka ayaa faah-faahin kooban un ka bixiyay sida uu howlgalka u dhacay iyo xaaladihii ku xeernaa dilka Al-Sudani.