Wararkii ugu dambeeyey Jubaland oo dardar gelisay dagaalka Shabaab + Sawirro

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jiray wasiirro iyo guddoomiyaha degmada Kismaayo ayaa gaaray jiida hore ee ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ay kaga sugan yihiin deegaanka Jannaa Cabdalla ee Gobolka Jubada Hoose.

Deegaankaas oo muhiim u ah isku socodka gobolka ayaa dhowaan ciidamadu waxay ka xoreeyeen kooxda Al shabaab. Wafdiga ayaa u kuurgalay xaaladda ciidamada oo nabadeeyey deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Wasaaradda caafimadka ayaa halkaas geysay daawooyin loogu tala galay ciidanka iyo dadka deegaanka, sidoo kale wasaaradda caafimaadka Jubbaland ayaa ciidamada gaarsiisay xoolo nool oo ay ugu tala gashay in loo qalo.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland ayaa daawooyinka iyo xoolaha ku wareejiyey saraakiisha ciidamada Al-Shabaab ka xoreeyey deegaankaas muhiimka ah ee Janaa Caballa.

Masuuliyiinta uu horkacayey Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland ayaa la kulmay dadka deegaanka Jannaa Cabdalla, waxayna ka wareysteen xaaladda deegaanka iyo joogitaanka ciidamada.

Dadkii joogay Jannaa Cabdalla ayaa ka mahad sheegtay  ciidamada, iyagoo sheegay in si wanaagsan ay ula dhaqmeen inta ay joogeen deegaankaas.

Dadka deegaankaas ayaa maamulka Jubbaland ka codsaday in baahiyahooda la daboolo, maadaama dhawaan laga dul qaaday caburintii Al-Shabaab oo dib u dhac weyn ay kala kulmeen, sida ay sheegeen.

Deegaankaas Janana Cabdalle ee dhawaan laga xoreeyey Al-Shabaab, wuxuu min 60-km u jiraa degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow, isagoo sidoo kale ahaa halbowlaha isku socodka kooxda ee gobollada Jubbaland iyo waddanka Kenya.