Garoon diyaaradeed ku yaal Sacuudiga oo diyaarad lagu weeraray + KHASAARAHA

Abha (Caasimada Online) – Weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye laheyn (drone) oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha Abha ee dalka Sacuudiga ayaa lagu dhaawacay sideed qof, sida uu sheegay Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiag ee Yemen kula dagaalamaya kooxda Xuutiyiinta.

Kadib weerarkii hore “diyaarad labaad oo isku dayeysay inay weerarto garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Abha ayaa dhexda laga qabtay lana soo riday,” ayaa lagu yiri war-saxafaadeed kasoo baxay isbaheysiga, oo uu sii daayey taleefishinka boqortooyada Al-Akhbariya.

“Sideed qof ayaa lagu dhaawacay weerarka, waxaana ay waxyeello kasoo gaartay diyaarad rayid ah, sida ay sheegayaan warbixino horudhac ah,” ayuu intaas ku daray war-saxaafadeedka.

Isbaheysiga ayaa sheegay in weerarka labaad ee lagu qaaday garoonka diyaaradaha “uu ka dhigan yahay dambi dagaal.”

Taleefishinka Al-Akhbariya ayaa intaas ku daray in firir uu ku dhacay dhabbaha ay diyaaradaha ku ordaan ee garoonka, islamarkaana muddo kooban la hakiyey duulimaadyada “si loo xaqiijiyo badqabka diyaaradaha imanaya iyo kuwa baxaya iyo sidoo kale shacabka.”

Mucaaradka Xuutiyiinta ayaan weli wax war ah kasoo saarin weerarka.

Sacuudi Carabiya ayaa faro-gelisay Yemen 2015-kii, ayada oo taageereysa dowladda caalamka uu aqoonsan yahay ee dalkaas, waxyar un kadib markii Xuutiyiinta ay qabsadeen caasimadda Yemen.

Xuutiyiinta oo xulufo la ah Iran ayaa marar badan weeraro ku qaaday magaalooyinka Sacuudiga ee ku dhow xuduudda Yemen, waxayna weeraradan sii xoojiyeen bishan August.

AFP + VOA