Sawirro: Yey Taalibaan ku wareejisay garoonka Kabul kadib bixitaanka Mareykanka?

Kabul (Caasimada Online) – Kooxda Daalibaan ayaa si rasmi ah ula wareegtay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kabul kadib markii ay si dhameystiran uga baxeyn ciidamadii Mareykanka ee halkaas ku sugnaa.

Mas’uuliyiin ka tirsan Taalibaan, oo warbaahinta kula hadlay dhabbaha ay ku ordaan diyaaradaha ee garoonka Kabul, ayaa ku dhawaaqay in Afghanistaan ay si buuxda u xaqiijisay madax-banaanideeda maadaama Mareykanka uu guud ahaan isaga dalkaas.

Kooxda Taalibaan ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Kabul ku wareejisay dagaalyahano wata diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca, waxayna joojiyeen dhammaan dhaq-dhaqaaqa garoonka illaa inta uu kasoo baxayo amarka guud ee madaxda Daalibaan.

Ciidamada lagu wareejiyey garoonka oo ah garabka militari ee kooxda Daalibaan isla markaasna loo yaqaan “Badri 313” ayaa la arkayey iyagoo gudaha u galay dhammaan qeybaha kala duwan ee Garoonka iyadoo ay ka muuqato feejignaan heer sare ah.

Ciidamada la wareegay garoonka ayaa ah ciidamo si gaar ah u tababaran, waxayna ku hubeysan yihiin hubka ugu casriga adduunka iyo gaadiid ay kaga duwan yihiin kuwa kale ee Daalibaan.

Mareykanka ayaa garoonka diyaaradaha Kabul uga dhex tagay diyaarado yaryar iyo gaadiid uu adeegsan jiray illaa haddana lama ogo sababta keentay arrintaan, mana aysan ka hadlin kooxda Daalibaan.

Diyaaradii Millateri ee ugu dambeysay oo uu Mareykanka leeyahay ayaa xalay ka baxday garoonka magaalada Kabul, taasoo soo af-jartay 20 sano oo ay ciidamadaas ku sugnaayeen Afghanistaan, iyo dagaalkii ugu muddada dheeraa ee Mareykanka.

Taalibaan ayaa hore u sheegtay inay wada -hadallo kula jiraan “dhammaan kooxaha” si ay heshiis uga gaaraan dowladda mustaqbalka.

Faahfaahinta sida kooxdu u maamuli doonto dalka, iyo waxa uu xukunkoodu uga dhigan yahay haweenka, xuquuqda aadanaha, iyo xorriyadda siyaasadda ayaan weli caddayn.