Xiisadda iibintii laga laabtay ee tiyaatarka oo weli taagan – Maxaa maanta soo kordhay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha abwaanada Soomaaliyeed oo ka hadlyey go’aankii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku hakiyey kireynta dhismaha qeyb ka mid ah Tiyaartarka Qaranka ayaa soo dhoweeyey tallaabada uu qaaday Rooble, una mahadceliyey.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in dhulkaan oo ka tirsan dhismaha Tiyaatarka islamarkaana ah meel banaan oo ka kooban dhowr boos lagu wareejiyay Shirkadda Xaawo Taako, oo ay leeyihiin ganacsato, oo laga iibiyey balse lagu daboolay kireyn 250 dollar ah bishii.

Maareeye ku xigeenka Tiyaatarka abwaan Cabdikariin Faarax Qaarey (Jiir) oo ka hadlay madasha ayaa mahad-celin kadib sheegay in weli ay shaki ka qabaan hadalkii  wasiirka warfaafinta ee ahaa in illaa amar dambe la joojiyey kireynta xarunta Tiyaatarka.

Jiir ayaa ka digay in la siyaasadeeyo arrintan, wuxuuna shaaciyey amar sidiisaba uu yahay fulin, loona baahan yahay in ganacsatada ay ka baxdo dhismaha Tiyaatarka Qaranka.

“Ra’iisul wasaaraha waa mahadsan-yahay, dowladuna waa mahadsan tahay, laakiin wasiirku sida uu u hadlay fari kama qodna arrintii waa joojinay illaa amar dambe. Amarka dambe ee la sugayo muxuu yahay? miyaa meesha lagu dagaalamayaa? amar waa amar Tiyaatarka halaga baxo ganacsatadu haka baxdo, ” ayuu yiri Maareeye ku xigeenku

Dhankiisa Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo shirkan jaraa’id ka hadlay ayaa tilmaamay in arrintu ay weli qaybo tahay, wuxuuna Rooble ugu baaqay inuu dhammeystiro.

“Inaan sii sheegno in arrintii weli qabyo tahay, sidaas daraadeed Mudane ra’iisul wasaare waad mahadsan tahay fanaaniinta cabashadoodii waad ka jawaabtay waxaan leenahay inta dhimana inaad dhammeystirtid-baan kaa sugeynaa” ayuu yiri Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf.

Shalay ayey aheyd markii abwaanada Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah fanaaniinta hobollada Waabari ay ka soo horjeesteen in la iibiyo ama la kireeyo qeyb ka mid ah Tiyaartarka, taas oo keentay in ra’iisul wasaaruhu amar siiyo Dubbe, kaas oo gabi ahaan lagu joojiyey in shirkada Xaawo Taako oo ay leeyihiin ganacsato lagu wareejiyo Tiyaatarka.